4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Hoggaamiyihii Koofur Afrika 'Nelson Mandela' oo geeriyooday

Khamiis, 05 December 2013(HOL)—Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee madax ka noqda Dalka Koofur Afrika, isla markaana si weyn caan ugu caan ahaa la-dagaallanka midab-takoorka  Nelson Mandela ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Johannesburg.

 Madaxwyenaha Koofur Afrika Mr. Jacob Zuma ayaa ku dhawaaqay geerida Nelson Mandela, wuxuuna sheegay Madaxweyne Zuma in markii uu geeriyoonayay ay la joogeen dad badan oo familkiisa iyo ehelladiisa u badnaa.

 

“Qaranka Koofur Afrika wuxuu waayay wiil, dadka Koofur Afrikana waxay waayeen Aabbe”ayuu yiri Madaxweyne Zuma oo hadalkiisa ku sii daray “Wixii ka dhigay Mandela qof weyn oo la qadariyo ayaa dhab ahaan ah wixii ka dhigay bani’aadam”. Jacob Zuma wuxuu intaas ku daray in Mandela uu u geeriyooday si nabad ah, isagoo caddeeyay in Nelsom Mandela uu ahaa madaxweynihii aas-aasay qaranka dimoqraadiga ah ee Koofur Afrika.

 

Nelson Mandela oo da’diisu ahayd 95 sano ayaa u geeriyooday xanuun kaga dhacay sambabada, kaasi oo dhowr jeer oo Isbitaal loo dhigay. Geerida Nelson Mandela waxaa si weyn uga naxay dad badan oo caalamka ku nool, gaar ahaan dadka Koofur Afrika.

 

Nelson Mandela oo lagu naaneysi jiray “Madiba” ayaa xabsi ku muteysay dhaqdhaqaaqyadiisii xornimo-doonka ahaa ee uu uga soo horjeeday xukunkii caddaanka ee ka talin jiray Koofur Afrika, wuxuuna xabsi ku jiray 27 sanadood. Markii xabsiga laga soo daayay ayaa wuxuu ku guuleystay in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah oo si dimoqraadi ah loo soo doortay. Sanadkii 1994-kii ayuu doorashada madaxweynenimada ku guuleystay, shan sanadood kaddibna wuxuu ka degay xukunka.

 

Taariikh Kooban

 

Sanadkii 1918 ayuu Nelson Mandela ku dhashay Xaafadda Mvezo ee Eastern Cape.

Sanadkii 1943 ayuu ka mid noqday Xisbiga ANC.

Sanadkii 1964 ayaa xabsi daa’in lagu xukumay sabab la xiriirta in uu ka horyimid xukunkii talada hayay.

Sanadkii 1990 ayaa xabsiga laga soo daayay.

Sanadkii 1993 ayaa la guddoonsiiyay abaal-marinta nabadda.

Sanadkii 1994 ayaa loo doortay madaxweynaha Koofur Afrika.

Sanadkii 1999 ayuu xukunka ka degay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]