4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Shiikh Aadan Madoobe oo Baydhabo tagay sheegayna in dhawaan uu gaari doono degmadaas Guddoomiyaha Baarlamaanka


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Guddoomiyihii hore ee baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay isagoo sheegay in dhawaan ay magaaladaas tegi doonaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanno wehlinaya.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in socdaalkiisa uu hordhac u yahay wafdiga ka socda golaha baarlamaanka ee Baydhabo tagay uuna ka qaybgeli doono shirka Baydhabo ka socda.

“Ujeeddada safarkeyga waa sidii uu uga qayb-geli lahaa shirka ka soconaya magaalada Baydhabo ee la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya,“ ayuu Madoobe u sheegay warbaahinta.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay dhawaan Baydhabo soo gaari doonaan tiro xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, inkastoo uusan sheegin qorshaha ay u tagayaan Baydhabo.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo, Cismaan Macallin Cabdi iyo Xasan Macallin Axmed (Biikole) ayaa iyaguna sheegay in ay ku faraxsan yihiin safarka xildhibaanka Sheekh Aadan Madoobe uu ku tagay Baydhabo ayna soo dhaweyn doonaan xubnaha kale ee soo socda.

Biikole iyo Macallin waxay sheegeen inay wanaagsan tahay xaaladda amni ee magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolka, isla markaana la filayo in dhawaan uu furmo wejigii labaad ee shirka maamul u samaynta gobollada Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya.

Inkastoo Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in Baydhabo uu safar ku tegi doono Prof. Jawaari iyo xildhibaanno uu hoggaaminayo ayaanay haddana jirin wax war ah oo arrintan ku saabsan oo kasoo baxay xafiiska guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya