4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Olole lagu daah-furayay ka hortagga xadgudubyada lagula kacyo haweenka Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmay (SAWIRRO)


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu daah furayay olole 16 maalmood soconaya oo looga hadlayo ka hortagga xad-gudubyada lagula kaco haweenka Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay agaasinka haweenka ee wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada Soomaaliyeed ayaa ka furma maanta magaalada Muqdisho.

Aamnio Xasan Aadan oo ka mid ah ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed  oo munaasabadda hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in loo baahan yahay in haweenka Soomaaliyeed ay isku xirnaadaan isla markaana ay ka fogaadaan arrimaha ku saabsan qabiilka iyo wax kasta oo ummadda Soomaaliyeed kala geyn kara.

Sidoo kale, waxaa hadal ka jeediyay furitaanka ololahan agaasimaha wacyi-gelinta iyo abaabulaha agaasinka haweenka ee wasaaradda horumarinta, Cadar Cali Maxamed ayaa ka sheekaysay dhibaatooyinka haweenka lagula kaco, waxayna xustay in loo baahan yahay in la joojiyo xad-gudubyada loo geysto haweenka Soomaaliyeed.

Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa suugaan kala duwan ka qaaday fannaaniin Soomaaliyeed oo ku cabirayay heesahooda dhibaatooyinka ay la kulmaan haweenka Soomaaliyeed iyo sida ay ugu yihiin laf -dhabar bulshada Soomaaliyeed.

Ololahan oo socon doona in ka badan laba toddobaad ayaa qayb ka ah dadaalka lagu doonayo yareynta xad-gubudyada ka dhanka haweenka Soomaaliyeed.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya