4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya oo shaaciyay inaysan difaaci doonin Doomaha iyo kalluumeysata aan Sharciyeysnayn (SAWIRRO)


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Taliyaha cusub ee ciidamada badda Soomaaliya, Maadeey Nuuroow Sheekh Ufuroow oo xilkan uu dhawaan u magacabay madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta sheegay inaysan difaaci doonin kalluumeysata iyo doomaha ay wataan oo aan sharciyeysnayn aysanna ka warhayn ciidamada badda Soomaaliya.

Ufuroow ayaa sheegay inay ciidamada badda Soomaaliya difaaci doonaan oo keliya kalluumeysatada iyo doomaha ay wataan ee sharciyeysan, wuxuuna intaa ku daray inaysan difaaci karin qof aan ogeyn qorshaha uu badda u galay.

“Ciidamadddu waxay difaacayaan oo keliya kalluumeysatada sharciyeysan ee la ogyahay halka ay ka baxayaan iyo qorshahooda, ciddii qabsata waan la fujin doonnaa, balse kuwa aanan ogeyn waxay doonaysa iyo goobta ay ka baxeen ma difaaci doonno, waayo cid aanan ogeyn waxay u socoto maba difaaci kano,” ayuu taliyuhu cusub ee ciidanka badda Soomaaliya ka sheegay xaflad uu xilka kula wareegaya maanta oo ka dhacday xarunta ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada badda Soomaaliya.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay inay iska-warqabaan ciidanka badda Soomaaliya iyo  kalluumeysatada, maadaama ay inta badan dhacdo in la qabsado iyagoo howlahooda shaqo ku jira.

“Waxaa dhacda mararka qaarkood in kalluumeysato Soomaaliyeed la iska qabsado iyadoo lagu eedeeynayo inay yihiin burcadbadeed iyo arrimo kale oo sharciga la xiriira, marka haddii ay taasi ku dhacdo kalluumeysato aan la soconno xilligii ay badda galayeen iyo howshooda waan difaaci karnaa,” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.

Taliyaha cusub ee ciidanka badda Soomaaliya ayaa wuxuu intaas ku daray in isbedel lagu sameyn doono ciidamada badda Soomaaliya, inkastoo uusan si dhab u faahfaahin isbedelkaas wuxuu noqonayo iyo xilliga uu dhacayo.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya xilli dalal badan oo caalamka ka tirsan ay ku xiran yihiin kalluumeysato Soomaaliyeed oo loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin inay kusoo xadgudbeen badaha dalal kale iyo inay burcadbadeed yihiin.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya