4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Kulan lagu soo dhaweeyay go'aankii golaha Shacabka ee kalsoonida loogala laabtay Xukuumadda oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Munaasabad casho sharaf ah oo uu xalay guddoomiyaha baarlamaanku u sameeyay xildhibaannada golaha shacabka ayaa waxaa ka qaygalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo khudbado ka jeediyay xafladda ayaa ku amaanay guddoonka baarlamaanka sidii quruxda badnayd ee ay fadhiyada baarlamaanka u hoggaamiyeen, gaar ahaan kulankii xasaasiga ahaa ee kalsooni kala noqoshada xukuumadda, iyagoo sidoo kale u mahad-celiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay ku amaaneen sida geesinimada leh ee go’aanka baarlamaaanka uu u aqbalay.

Sidoo kale xildhibaannadu waxay madaxweynaha ka codsadeen inuu soo dedejiyo magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ka hor fasaxa kalfadhiga saddexaad ee baarlamaanka oo ku beegan 31-ka bishan December 2013.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa xusay in ujeeddada xafladda ay tahay in guddoonka baarlamaanka uu u mahadceliyo xildhibaannada golaha shacabka.

“Waxaan xildhibaanada golaha shacabka leeyahay mahadsanidiin maadaama aad ilaaliseen qalbigii shacabka, mahadsanidiin maadaama aad muujiseen mas’uuliyad xildhibaannimo, mahadsanidiin maadaama aad xal ka gaarteen mushkilad la idin horkeenay, mahadsanidiin in markii aan xeer hoosaadka iyo dastuurka soo qabsado qodobbadiisa aad iigu hogaansanteen,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulanka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Prof. Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay midnimada baarlamaanka isagoo tilmaamay in baarlamaanku uu yahay tiir-dhexaadka dowladda isla markaana ay shacabka ku tashanayaan; sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada baarlamaanka,

Guddoomiyaha baarlamaanku wuxuu sidoo kale amaanay doodihii mooshinkii kalsooni kala laabashada xukuumadda ay ka yeesheen xidhibaannadu isagoo sheegay inay taasi ka tarjumayso hirgelinta dhaqan dimuqraadiyadeed.

Intaa kaddib waxaa hadlay madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo khudbad ka jeediyay gabagabadii munaasabadda ayaa xildhibaannada baarlamaanka iyo guddoonkoodaba ku amaanay sidii quruxda badnayd ee ay u guteen waajibaadkooda qaran, sidoo kalena wuxuu u mahadceliay isla markaana amaanay ra’iisul wasaaraha xilka ka dagaya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid).

“Runtii waxaan rabaa inaan aad idin kugu amaanayaa sidii quruxda badnayd ee baarlamaanku waajibaadkiisa u gutay, weliba waxaan si gaar ah ammaan ugu soo jeedinayaa sidii xidhibaannadu uga qaybtaateen dooddii mooshinka, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ula socdeen; xaqiiqdiina waa raalli-geliseen shacabka. Mar haddaad shacabka raalli-geliseenna waxaad raalli-geliseen ALLE, aad ayaana idin kugu ammaanayaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid kalsoonida shacabka, dowladnimada iyo dimuqraadiyada soo nooleysay. Wuxuu sheegay inuu u mahadcelinayo xukuumaddii hore maadaama ay howl wanaagsan qabatay, balse isbedelka ay doonayaan uu yahay mid ku saleysan in horumarka inta uu hadda yahay laga sii badiyo.

“Waxaa la yiraahdaa horumarku xuduud ma lahan illaa circa ayay xuduuddiisu jirtaa, sidaa daraadeed sababata isbedelka loo sameynayo waa in horumarka la xoojiyo ee wax kale ma ahan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay soo jeedinta xildhibaannada baarlamaanka ee la xiriirtay in la dadajiyo magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub , isagoo sheegay in howsha hortaalla aysan yarayn laakiin uu kalsooni ku qabo in wax waliba ay noqon doonaan kuwo loogu guuleysto; sida hadda la soo jeediyay ka hor waqtiga fasaxa baarlamaanka ama kaddib; waxaana uu ALLE ka baryay in dhammaan howlaha horyaalla uu ku guuleeyo.

Munaasabadda ayaa kusoo gabagabowday jawi farxadeed, inkastoo uusan goob-joog ka ahayn ra’iisul wasaaraha xilka kasii dagaya oo looga bartay in uu madaxda dowladda kala qaybgalo munasabadaha noocan oo kale ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya