4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2013
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka haray koobka Bartamaha iyo Bariga Africa ka dib guul-daradii ay kala kulmeen Zambia

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) —Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa galabta gabi ahaanba isaga haray koobka bartamaha iyo bariga Africa oo sanadkan ka soconaya wadanka Kenya,waxaana ciyaartoyda Soomaaliya ay ku guul-daraysteen in Group B ay dhibco ka heleen,iyadoo ciyaaro adag horey ula soo yeeshay xulalka kala ah Tanzania iyo Burundi.

 

Ciyaarta galabta oo ka dhacaysay garoonka Nyanyo National Stadium ayaa ku bilaabatay si xamaasad leh ,waxaana la arki karayay sida ciyoortayda Sooomaaliya ay u doonayeen in ugu yaraan ay bar-baro ka helaan kulankan balse taasi ma dhicin weerarka oo Zambia oo adkaa dartiis.

 

Waqti badan kuma qaadan xulka kubadda cagta Zambia  in ay helaan goolka koowaad daqiiqadii labaad  ,waxaana u saxiixay  Mwape,iyadoo goolka labaad xuka Zambia uu yimid qaybtii hore ee ciyaarta ,waxaana goolkas isna dhaliyay Mbewe,iyadoo qaybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo Zambia ay ciyaarta ku hogaaminaysay.

 

Qaybtii labaad markii la isku soo laabtay ciyaaryahannada Soomaaliya ayaa muujiyay dadaal badan balse ma suurtagalin in ay wax gool ah ka dhaliyaan goolyaha Zambia ,waxaana xiliyada qaar adkayd in labada dhinac ay si siman kubadda u wada qaybsadaan.

 

Mwape ayaana dhaliyay goolkiisii labaad ka dib qalad uu sameeyay goolhayaha Soomaaliya ,iyadoo la arkayay sida ay xulka Soomaaliya ugu adagtahay in ay iska soo gudaan seddex gool oo lagala hormaray.

 

Goolkii afaraad ee xulka Zambia ayaa yimid daqiiqadii 70-aad ,waxaana kubad uu soo tuuray goolhayaha Soomaaliya dhexda u galay Mbwe ,kaasi oo si indha-qabad lahayd u dhamaystiray isla markaana ku hubsaday shabaqa Soomaaliya .

 

Zambia ayaa ku dhameystay hogaanka Group B iyagoo leh 7 dhibcood oo ay la wadaagaan Tanzania kuwaasoo kaalinta labaad ku dhameystay madaama ay farqiga goolasha ka yar yihiin Zambia ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen isla maanta Burundi.

 

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa seddexdii kulan ee ay ciyaareen ka helin wax dhibco ah ,balse soo bandhigay ciyaaro wanaagsan ,taasi oo ka dhigan in isbadal ballaaran uu ka muuqdo kubadda xulka Soomaaliya.

 

Faysal Mohamed Hassan

[email protected]