4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2013
MADAXWEYNE XASAN: “Dowladdu Waxay Hirgelin doontaa Isbitaal gaar ah oo lagula tacaalo haweenka la kufsado” (SAWIRRO)


Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay kulankan lagu soo gaba-gabeynayay xarunta AMISOM ee Muqdisho, kaasoo looga hadlayay doorka haweenku ay ku leeyihiin ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka, iyadoo xiritaanka kulankan ay goob-joog ka ahaayeen, wasiirka horumarinta adeegga bulshadda, Maryan Qaasim, dajire Nicholas Kay, danjirayaasha dalalka Talyaaniga, Sweden u jooga Somalia iyo mas’uuliyiin kale.

Haweenkii kulanka ka qaybgalayay oo hadlay ayaa hoosta ka xariiqay inay wax badan ka faa’iideysteen kulanka, ayna taageerayaan in haweenka lagu gacan siiyo ka shaqeynta horumarka dalka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Key oo xafiiskiisa uu soo qabanqaabiyay kulanka ayaa u mahadceliyay dhammaan haweenkii ka qaybgalay kulanka, isagoo sheegay in kulankan uu yahay mid horumarineed.

“Dhibaatada haweenka loo geysto waxaa looga gudbi karaa oo keliya inay gacmaha is-qabsadaan oo ay dhinac uga soo jeestaan kuwa dhibaatada u geysanaya,” ayay tiri Drs. Maryan Qaasim Axmed oo kulanka ka hadashay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo isaguna hadal dheer xafladda xiritaanka kulanka ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarinayso qorshe lagu daryeelayo haweenka Soomaaliya, gaar  ahaan kuwa ay dhibatadu haysato.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Dowladda Soomaaliya waxay hirgelin doontaa isbitaal gaar ah oo lagula tacaalo haweenka la kufsado ee dhibbanaha ah, tallaabo ayaana laga qaadayaa ciddii fal kufsi ah lagu helo,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri: “Kaddib 22-sano oo ay colaado iyo fowdo ay ka jirta dalka, dowladdu waxay isku diyaarinaysaa sidii ay u dajin lahayd shuruuc iyo siyaasado aan horay uga jirin Soomaaliya, si loo ilaaliyo xuquuqda dadka jilicsan ee bulshada ka midka ah.”

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in halkii sano ee ay jirtay xukuumaddu ay ku guuleysatay inay qaaddo tallaabooyin lagu difaacayo dumarka Soomaaliyeed, isagoo tusaale u soo qaatay in la dajiyay sharciga qabyada ah ee siyaasadda jinsiga Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in la dhisay hay’ado baara xad-gudubyada lagula kaco haweenka.

“Haweenku waxay kaalin muhiim ah uga jiraan bulshada, haddii ay si dhab ah u midoobaanna waxay ku guuleysan karaan hadafyadooda. Waxaana ugu hambalyeynayaa sida ay ugu dadadaalayaan inay xuquuqdooda difaacdaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu ballanqaadayo inay ka heli doonaan haweenka xukuumaddiisa darajooyin sar-sare, isagoo xusay in dowladdu ay mar walba u taagan tahay adkeynta nabadgalyada haweenka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya