4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2013
Madaxweynaha Puntland oo Hadal iska dheh ah ku Tilmaamay Diidmada ay Murashaaxiintu diideen Guddiga uu magacaabay

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa markii ugu horreysay ka jawaab celiyay diidmo ay kala horyimaadeen guddi uu magacaabay musharraxiinta Puntland oo iyagu madaxweyne Faroole kula tartamaya doorashada  soo socota ee dhici doonta bisha Koowaad ee sannadka soo socda 2014-ka.

Diidmada musharraxiinta ayaa timid kaddib markii madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu magacabaay guddiga ansixinta xildhibaannada Puntland, laakiin waxaa tallaabadaasi ka hor-yimid murashaxiinta u taagan doorashada.

Faroole ayaa hadalkiisa ku sheegay in magacaabista guddigan uu u maray habkii ay horay u marsiiyeen madaxweynayaashii isaga ka horreeyay oo uu sheegay inay iyagu magacaabeen guddiyada uu isagu xilligan magacaabay.

Balse, musharraxiinta u taagan doorashada oo shir jaraa'id qabtay ayaa si aad ah uga horyimid arrintan, waxayna sheegeen in dhinacooda ay soo dhisi doonaan guddi kan la mid ah.

Madaxweynaha Puntland wuxuu hadalka ka soo yeeray musharraxiinta uu yahay mid ay iska yiraahdeen, isagoona inta ku daray magacaabidda guddiga inuu u u maray hab dastuuri ah.

"Tallaabada aan qaaday waa mid horay loosoo qaaday, dowladihii middan ka horreeyay ayaa soo magacaabay guddigan, ilama saxna hadalka kasoo baxay murashaxiinta, waxaana la oran kara waa hadal la iska yiri," ayuu yiri Faroole.

Isku soo wadda duboo, magacaabista guddiga uu magacaabay Faroole ayaa noqotay mid khilaaf dhex-dhigtay xukuumadda xilligaan waqtigeedu dhammaadka yahay ee Puntland iyo musharraxiinta u tartamaya hoggaanka Puntland.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya