4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2013
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Maanta la Ciyaaraya Xullka Zambia iyo Guul laga filayo Ciyaaryahannada Xulkeena


Arbaco, December 04, 2013 (HOL) —  Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa maanta kulankii seddexaad  ee Group-ka B la yeelanaya  xulka kubadda cagta Zambia ciyaar ka tirsan koobka bartamaha iyo bariga Afrika, iyadoo ciyaartan ay maanta  afarta galabnimo ka dhacayso  garoonka Nyanyo National Stadium ee Kenya.

Soomaaliya waa laga soo badiyay labadii kulan ee ciyaartan ka horeeyay, waxaana ay ugu hooseeyaan Group B, maadaama aysan wax dhibic ah haysan, inkastoo kulankii ugu danbeeyay ay soo bandhigeen ciyaar indha-qabad lahayd oo aad loo wada jeclaystay.

Afar kulan oo ay u wada kulmeen xulalka Soomaaliya iyo Zambia oo ka tirsan koobkan bartamaha iyo bariga Africa dhamaan waxaa wada badisay Zambia oo iyadu sanadkan marti ku ah koobkan ,waxaana xulkan si gaar ah loogu xasuustaa koobka Qaramada  qaaradda Africa oo sanadkii 2012-ay ku guulaysteen.

Kulankii ugu horeeyay ee labada xul ay iska horyimaadaan waxa ay aheyd 24kii bishii September 1973dii, waxaana 6-1 ku badisay Zambia, kulankii labaad waxa uu dhexmaray seddex sanno ka dib waxaana 4-2 ku badisay Zambia.

Sannadkii 1978-dii ayay mar kale kulmeen, waxaana guusha ay mar kale 4-0 ku raacday Zambia, iyadoo kulankoodii ugu danbeysay uu ahaa 2010kii markaasoo Zambia ay guusha ku raacday 6-0, kulanka maanta ayaase noqon kara guushii ugu horeysay ee ay Soomaaliya ka gaarto Zambia.

Kulankan oo ka adkaan doona  kuwii horey loo soo ciyaaray ayaa haddii Soomaaliya ay badiso ay ka dhigantahay in ay fursad u sii heli karaan sii ciyaaridda koobkan ,balse hadii laga badiyo maanta waxey Soomaliya noqonaysaa kooxdii ugu horeysay soo si rasmi ah uga harta tartankan.

Ciyaartoyda uu maanta soo safi karo tababaraha Somalia uguna macquulsan ayaa ayaa kala ah sidan,inkasto ay suurtagal tahay in wax aan badnayn laga badalo.

Goolhaye: 1. Maxamed Shariif (Koox ka dhisan Holland). Difaac: 3: Geesey (Banaadir SC), 6: Kabtan Xasan Cali Rooble Babaay (Elman), 13: Aadan Xuseen Ibraahim (Sahafi FC), 5: Xasan Xuseen Maxamed (Elman).

Dhexda: 4: Daa’uud C/llaahi Xasan (Jeenyo), 18: Siidii Maxamed Cumar (Heegan), 11: Maxamed Saalax Xuseen (Sacad) (Elman) iyo 15: Maxamed Cabdi Xaayow (Heegan).

Weerar: 14: Jabriil Xasan Fariid (Heegan) iyo Saadaq Cabdulqaadir Maxamuud (AFC Leopards). Beddel: 8: Deeq C/qaadir Nuur (Heegan), iyo Maxamuud Meyma (Jeenyo).

Taageerayaal badan oo Soomaali ah ayaa maanta xulkeena u rajaynaya in guul ay la soo hoydaan ,isla markaana ay garaacaan xulka Zambia oo ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan qaaradda Africa xiligan la joogo.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]