4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay kaalinta koowaad kaga jirto Dalalka Caalamka ee uu Musuq-maasuqa Xooggan ka jiro

Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Watchdog Transparency International, taasoo lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta hore kaga jirto dalalka caalamka ee uu musuq-maasuqu dilooday.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan oo wareysi siinayay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in warbixintu ay tahay mid aan ku saleysnayn xaqiiqada dhabka ah ee ka jirta Soomaaliya.

“Waxaan ka xumahay warbixintan, waxaana loo baahan yahay marka musuq-maasuq la sheegayo in loo hayo caddeyn dhab ah waxa la lunsaday, waayo musuq-maasuqu wuxuu saameeyaa horumarka iyo bulshada ku nool dalka uu ka jiro” ayuu wasiir ku xigeenku ku yiri wareysigiisa.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in waxa la lunsaday ay tahay in la caddeeyo, ma hati shacabka Soomaaliyeed la siiyay oo la lunsaday baa, mise waa hanti caalamku uu dowladda Soomaaliya siiyay oo si xul loo maamulay.

“Hantida nalagu eedeynayo ee shacabka Soomaaliyeed maalin walba lagu jah-wareejinayo yay tahay cidda na siisay?” ayuu wasiir ku xigeenku is-weydiiyay , isagoo intaas ku daray inaysan jirin lacago la siiyay Soomaaliya, arrintanna waa mid lagu diiddan yahay in Somalia ay si xor ah dhaqaalaheeda u maareyso.

Wasiir ku xigeenka oo sii hadlayay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya lacag siiyay uu hadda is-caddeeyo uuna sheego qadarka ay dhameyd iyo xilliga la siiyay, dowladduna diyaar ayay u tahay inay la dooddo, balse warbixin inta qalinka la qaatay la iska qoray waa mid aan jirin oo been ah.

Su’aal ahayd in warbixintan ay tahay mid lagu saleeyay is-casilaaddii guddoomiyihii bankiga dhexe, Yusur Abraar ayuu sheegay inuusan isagu u war-hayn sababta ay isku casishay, balse loo baahan yahay in caddeeyo haddii ay jiraan lacago la musuqmaasuqay oo Somalia la siiyay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inay jiraan dalal badan oo caalamka oo sheegay in lacago ay ugu deeqeen Soomaaliya, balse aysan bixin, waxaana mar kale caddeynayaa inaysan jirin lacago Soomaaliya la siiyay ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Waxaan doonayaa inaan caalamka u caddeeyo in Somalia loogu deeqay lacago balaayiin doollar ah, balse aysan jirin hal shilin oo ka mid ah oo weli Soomaaliya la siiyay,” ayuu wasiirku wareysigiisa kusoo gaba-gabeeyay.

Hadalka wasiirka ayaa wuxuu jawaab u ahaa warbixin hay’adda Watchdog Transparency International ay soo saartay maanta taasoo lagu sheegtay in dalalka Somalia, Afgaanistaan iyo Waqooyiga Kuuriya ay kaalinta hore kaga jiraan dalalka caalamka ee uu sida aadka ah uga jiro musuqmaasuqa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya