4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Safiirka Britain u jooga Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta Socdaal ku Tagay Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)


Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo dajiraha Britain u jooga Soomaaliya, Neil Wigan ayaa maanta tagay Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyagoo kulammo la qaatay maamulka iyo waxgaradka uu shirka uga socdo magaaladaas.

Magaalada Baydhabo ayaa baryahan tagayay wafdi ka socda AMISOM iyo UNSOM, iyadoo wafdiga maanta tagay oo ay ku jireen xubno Midowga Yurub ka socday ay ku jireen ay la kulmeen ergooyinka shirku uga socdo Baydhabo o ay ku jireen salaaddiin iyo nabaddoono.

Goddoomiyaha golaha nabaddoonnada iyo salaaddiinta Digil & Mirifle Malaaq Xasan Shurre Maxamuud ayaa sheegay in shirkan ay goobjoog ka ahaayeen maamulka gobalka Bay iyo kan degmada Baydhabo.

Safiirka iyo xubnahan waxay kawada hadleen arimaha mmaanka gobalka iyo baahida gobalka ee dhinacyada mashaariicda horumarinta iyo deegaanka, waxuuna u sheegay inay doonayaan inay goballadan ka caawiyaan mashaariicda horumarineed iyo kuwa adeegga bulshada.

Sidoo kale, danjiraha oo ka hadlay shirka maamul sameynta ee Baydhabo ka socda ayaa yiri: “Annaga ma hor istaagayno shacabka waxay doonayaan waana soo dhaweynaynaa afkaarta dadweynaha.” Iyadoo amniga danjiraha iyo wafdigiisa ay sugayeen ciidammo Ingiriis ah oo aad u hubeysan.

Kulanka ay yeesheen xubnaha maamulka gobolka iyo degmada Baydhabo iyo ergooyinka shirku uga socdo Baydhabo ayaa ka dhacay madaxtooyada Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo