4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Ismaamulka Soomalida Dalka Itoobiya oo Diyaar–garow Ballaaran ugu Jira Xuska Qowmiyadaha oo lagu Qabanayo Magaalada Jig-jiga


Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Magaalo madaxda ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya ee Jig-jiga ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar-garow xooggan oo ku aaddan mar-tigelinta xuskii sideedaad ee qowmiyadaha dalka Itoobiya, iyadoo magaalada ay ku qul-qulayaan wufuud ka socota sagaalka qowmiyadood ee dalkan uu ka kooban yahay  si xuskaas ay uga qayb-galaan.

Maamulka degmada  Jig-jiga ayaa maalmihii ugu danbeeyay xarigga ka jarayay wadooyin cusub oo magaalada lagu soo kordhiyay si kor loogu qaado bilicda degmada oo ay ku suganyihiin madax sare oo ka tirsan federaalka Itoobiya.

Xaafadaha ay kooban tahay magaalada Jig-jiga ayaa amnigooda si aad ah loo adkeeyay, waxaana 10-ka xaafadood ee ay koobantahay lagu arkayaa waqti kasta ciidamo si gaar ah loo diyaariyay si ay uga hortagaan khatar kasta oo dhinaca ammaanka la xiriirta.

Waxaa shirkan uu dhici doonaa 29-ka bisha Hiidhaar ee sanadkan 2006-da taariikhda Itoobiya oo ku beegan axadda soo socota, iyadoo la xiray gabi-ahaan xuduudaha magaalada ay la wadaagto maamulka Somaliland.

Madaxweynaha ismaamulka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar  oo ka hadlayay tv-ga kililka ayaa sheegay in maamulkooda uu u diyaar-garoobay xuskan ,isagoo shacabka ugu baaqay in ay ka hortagaan wax kasta oo dhibaato ku keeni kara munaasabaddan.

“Qof kasta xilliga uu gurigiisa ka soo baxayo subax, galab iyo habeenba waa inuu horay u soo qaataa kaarkiisa aqoonsiga ama mustawaqihiisa “ayuu yiri Axmed Cabdullaahi oo kamid ah dadka deegaanka ,isagoo intaa ku daray in marti–galinta shirkan ay fursad weyn u tahay Soomaalida Itoobiya.

Ugu danbayntii isku socodka xuduudaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa dib loo furi doonaa sida la sheegay marka la soo gaba-gabeeyo xuskan oo waqti dheer aan qaadan doonin ,waxaana isbadalka cusub ee uu sameeyay maamulka madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar  ay keentay in jig-jiga ay shirkan marti galiso

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]