4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Musharraxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Puntland oo kasoo horjeestey Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Faroole (SAWIRRO)

Talaado, December 03, 2013 (HOL)—
Qaar kamid ah musharraxiinta u taagan madaxtinimada Puntland oo goor dhow shir-jaraa'id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa kasoo horjeestey guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta oo saacado kahor uu magacaabay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

Musharraxiinta sida wadajirka ah shirkaas jaraa'id u qabtay oo ay tiradoodu afar tahay, ayaa kala ahaa: Dr. Shire Xaaji Faarax, Jen. C/laahi Siciid Samatar, Prof. Cabbaas Axmed Cabbaas (Gacmo-gaab) iyo C/laahi Sheekh Axmed Maxamuud.

Musharrax Shire Xaaji Faarax oo ugu horreyn hadalka qaatay, ayaa sheegay in guddigaas laga soo magacaabay Madaxtooyada Garoowe iyadoo aan cid kale lagala tashan.

" waxan u sheegayaa caalamka iyo shacabka reer Puntland in dalkaan ay wadaagaan dadkii wax isku darsaday, marna dhici mayso in musharrax qura uu ku takri falo...ma aqbaleyno in guddiga doorashada uu C/raxmaan Faroole keligiis soo magacaabo..." Dr. Shire ayaa sidaas yiri.

Musharrax C/laahi Siciid Samatar - oo isagu ah musharrixii ugu horreeyey ee sheegay in uu xilka madaxweynaha isu soo taagi doono- ayaa isna goobta ka hadlay.

Wuxuuna wax laga naxo ku tilmaamay tallaabada uu Madaxweyne Faroole qaaday, isagoo xusay in arrintani ay horseedi doonto khilaaf cusub iyo in ay dadku sii kala fogaadaan.

" beesha caalamka iyo dadka reer Puntland waxaan u sheegeynaa, in annagu aan qaadanay taladii ay horay noogu soo jeediyeen...cidda dhibka waddaa waa C/raxmaan Faroole...waan ka fileyney in uu sidan yeeli doono" Jen. Samat ayaa sidaas yiri.

Shirka-jaraa'id ee ay afarta musharrax maanta magaalada Boosaaso ku qabteen, waxaa sidoo kale ka hadlay musharrax C/laahi Sheekh Axmed Maxamuud, wuxuuna madaxweynaha Puntland ku eedeeyey in uu gabay mas'uuliyaddiisii iyo waajibaadkii qaran ee saarnaa.

Musharrax Cabbaas Axmed Cabbaas oo ugu dambeyn hadalka qaatay, ayaa isna sheegay in Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole uu galay dembi siyaasadeed, uuna afduub ku sameeyey aayaha dalka iyo dadka reer Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa digreeto uu soo saaray maanta oo Talaada ah, Dec 3, 2013 taas oo lambarkeedu ahaa 159, wuxuu ku magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta oo ka kooban siddeed xubnood.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta waxay howshoodu tahay in ay kala shaandheeyaan xildhibaanada ay beeluhu soo xulaan iyo weliba in ay dhex dhexaad ka noqdaan tartanka siyaasadda, iyaga oo dhinaca kale ka shaqeynaya xallinta khilaafaadka iyo cabashooyinka soo baxa xilliga doorashada.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya