4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2013
Dowladda Somalia oo shaacisay inay Koonfurta Suudaan u dirayso diyaarad soo daad-gureeyay Soomaalida dalkaas ku xayiran


Axad, December 29, 2013 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa sheegtay in dalka Koonfurta Suudaan ay u dirayso diyaarad soo qaadda Soomaalida ku xayiran dalkaas oo ay dagaallo ka socdaan, iyadoo amarka diyaaradda lagu dirayo uu bixiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay go’aansatay inay diyaarad u dirto dalka Koonfurta Suudaan si Soomaalida ku xayiran looga soo qaado.

“Qorshaha dowladdu waa inay diyaarad u dirto dalka Koonfurta Suudaan si ay uga soo qaado qoxootiga Soomaalida ah ee halkaas ku xayiran, haddii ay diyaaraddu soo qaadi waydo, mar kale ayaa loo dirayaa,” ayay tiri Fowziyo.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in dadka doonaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan oo keliya ay soo qaadayaan, balse ciddii aan doonayn inay dalka dib ugu soo laabtaan aan lasoo qaadayn.

“Dadka doonaya inay dalkooda kusoo laabtaan ayaan soo qaadaynaa mana jirto cid lagu qasbayo inay dalka soo aaddo haddi ay diido oo ay go’aansato inay halkaas joogto,” ayay wasiirraddu hadalkeeda raacisay.

Hadalka wasiiradda ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan sheegtay inay ku xayiran yihiin dalka Koonfurta Sudan 10,000 oo Soomaali ah, kuwaasoo qaarkood hantoodii laga dhacay, kuna jira xeryaha ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan dalkaas.

Waddanka Koonfurta Sudan ayaa waxaa tan bartamihii sannadkan ka soday dagaallo isku bedelay kuwo qabiileed, waxaana madaxda IGAD ay dhawaan ugu baaqeen dowladda iyo mucaaradka dagaalamaya inay colaadda ay si dhaqso ah ah ku joojiyaan ayna wadahadallo billaabaan.

Inta la ogyahay lix qof oo Soomaali ah ayaa lagu dalkaas laba tododbaad ee ay dagaalladu socdaan, kuwaasoo saddex ka mid ah lagu dilay magaalada Bor ee gobolka Janglei oo ay gacanta ku hayaan xoogagga mucaaradka ah.

Tallaabada ay dowladdu kusoo daad-gureynayso muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku xayiran dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay, iyadoo dhawaan safaaradda Soomaalida ee Suudaan ay sheegtay inay waddo qorshe Soomaalida looga saarayo dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya