4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2013
Wafdi ka socda Shiinaha oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho iyagoo la kulmay Xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Axad, December 29, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wafdi uu hoggaaminayo sii-hayaha safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya Wei Hongtian oo gelinkii hore ee maanta soo gaaray Muqdisho.

Kulan dhexmaray wufuudda Shiinaha iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Soomaaliy ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka siyaasadeed ee labada dal u dhaxeeya, qiimeynta iyo fulinta mashaariic dowladda Shiinuhu ay ka hore ballan-qaadday inay ka hirgelin doonto Somalia iyo dib u furidda safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Xubnaha wafdiga Shiinaha ayaa kulanka kaddib waxay booqasho ku tageen wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya iyagoo kula kulmay xoghayaha joogtada ee wasaarada, Abuukar Daahir Cismaan, isagoo kulanka kaddib saxaafadda u sheegay ujeedka socdaalka wafdiga ka socda dalka Shiinaha uu ahaa sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa mashaariic dib u dhis oo ay dalka ka fulinayaan.

Wafdiga dowladda Shiinaha oo ka kooban saddex xubnood ayaa waxay kaloo la kulmeen wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, C/shakuur Mire iyo maareeyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo kawada hadlay suuro-galnimada fulinta mashaariic wadaag ah, dib u dhiska tiyaatarka Qaranka oo dowladda shiinuhu ay horay u dhistay iyo qodobbo kale.

Booqashooyinka wafdigani ka socda Shiinaha ay ku kala bixiyeen qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda ayaa waxaa ku wehlinayay danjire Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) oo ah danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha iyo saraakiisha hab maamuuska Qaranka.

Lama sheegin inta maalmood ee wafdigan ay ku sugnaan doonaan Muqdisho, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo wafdi ka socda dowladda Shiinaha ay Muqdisho ku yimaadaan booqasho rasmi ah oo dhowr maalmood qaadanaysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya