4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2013
Khilaaf Xooggan oo soo dhex galay Isimmada Puntland

Axad, December 29, 2013 (HOL) — Waxaa soo shaac baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya isimmada Puntland, xilli lagu howlan yahay dhismaha Guddiga Marjaca ah ee Isimmada, guddigaas oo dusha kala socon doona shaqada Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanada.

Shalay waxaa magaalada Garoowe baaq saddex qodob ka koobnaa kasoo saaray qaar kamid ah isimmada soo-jireenka ah ee Puntland, qodobadaas waxaa kamid ahaa in Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixintu aanu shaacin karin magacyada xildhibaanada cusub ilaa iyo inta ay Isimmadu ka turxaan bixinayaan.

Isimmo kale oo badankoodu ah kuwii aan ka qayb gelin shirkii go'aamada laga soo saaray ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay Garoowe ka dhacay, ayaa iyaguna maanta bayaan hor leh soo saaray.

Isimmadaas oo Islaan Ciise Islaan Maxamed uu qayb ka yahay, waxay sheegeen in Guddiga Xallinta Khilaafaadku uu u madax bannaan yahay shaqadiisa, islamarkaana aysan waxba ka jirin go'aankii ay shalay isimada qaar isku raaceen ee ahaa in Guddigu aanu shaacin karin magacyada xildhibaanada cusub inta ay isimmadu si buuxda u meel marinayaan.

Bayaanka Isimmada ayaa u qornaa sidan:



 

Khilaafka isimmada ayaa imaanaya dhowr maalmood kaddib markii la xalliyey khilaaf ka dhashay magacaabista Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixina, khilaafkaas oo u dhexeeyey Madaxweyne Faroole iyo murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya