4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo Maanta la Wareegay gacan ku haynta deegaanno ka tirsan Gobolka Bay

Axad, December 29, 2013 (HOL) — Wararka ka imaanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee gobolkaas ku sugan ay la wareegay deegaannno ka tirsan degmada Berdaale ee gobolka Bay.

Mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Bay ayaa warbaahinta u sheegay howlgallo ay wadajir u sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay maanta kula wareegeen deegaanno hoos-taga degmada Bardaale.

“Ciidamada dowladda Soomaaliya waxay maanta qaadeen howgallo ay kula wareegeen deegaannada Mooro-waraabe, Walaq iyo Is-koris oo dhammaantood ka tirsan degmada Bardaale ee gobolka Bay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Bardaale, Maxamed Isaaq Carra-case.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in deegaannadaas ay ka talin jireen xoogagga Al-shabaab, ayna ku suuro-gashay inay ciidammadu maanta kala wareegaan howlgal ay ka sameeyeen duleedyada degmadaas ciidamada is-bahaysanaya.

“Howlgalladan waa kuwo la doonayo in gobolka oo dhan looga saaro kooxda Al-shabaab, waana sii soconayaan inta laga xaqiijinayo qorshaha lagu doonayo in degmadaas oo dhan looga sifeeyo Al-shabaab,” ayuu Carra-Cas ku daray hadalkiisa.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Somalia ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaq ciidan ka waday degmooyin ka tirsan gobolka Bay, iyadoo dhowr jeer weeraray degmooyinka iyo deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolkaas.

Ma jiro illaa hadda hadal kasoo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab oo ku saabsan inay ciidamada dowladda kala wareegeen saddexda deegaannadan ka tirsan degmada Bardaale iyo in kale.

Deegaaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bay oo Diinsoor iyo Ufuroow ay ku jiraan ayaa waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab, iyadoo horay looga qabsaday degmooyin iyo deegaanno ay ka mid yihiin Baydhabo oo ah xarunta gobolka, Buur-hakaba iyo degmada Qansax-dheere.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya