4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2013
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Jen. Cadde Muuse oo kulan ku yeeshay Maanta Magaalada Garoowe (SAWIRRO)


Axad, December 29, 2013 (HOL) — Xarunta madaxtooyada Puntland waxaa maanta kulan ku yeeshay madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroore iyo madaxweynihii hore ee Puntland, Jen.Cadde Muuse Xirsi iyo Nuuradiin Aadan Diiriye oo ah wakiilka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Mas'uuliyintan ayaa shirka ay qaateen wuxuu ahaa mid ay saxaafadda dibad joog ka ahayd, waxaana xilligii uu soo dhamaaday si wadajir ah saxaafadda uga warbixiyeen kulankooda iyo waxyaabihii ay kaga hadleen.

Nuuradiin Aadan Diiriye oo isagu ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu horreyn saxaafadda la hadlay wuxuuna sheegay inay kulankooda taariikhiga ah uu guul ku dhammaaday kaasoo ah sidii la isku fahamsiin lahaa madaxweyne Faroole iyo Jen. Cadde Muuse.

Sidoo kale, Nuuradiin wuxuu xusay in labada mas'uul ay isla meel dhigeen sidii ay uga wada-shaqeyn lahaayeen doorasho xor ah oo Puntland ka dhacda 08-da bisha Jannaayo ee sannadka soo socda 2014-ka.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Jen. Maxamuud Muuse Xirsi Cadde ayaa isna dhinaciisa warfidiyeenka la hadlay isagoo sheegay inay ka go'aan tahay in Puntland ay ka dhacdo doorasho u qabsoonta hab nabdoon, wuxuuna ku daray hadalkiisa in dhankiisa uu ku qanacsan yahay guddiga loo xil-saaray soo xulista baarlamaanka cusub ee Puntland.

Gaba-gabadii madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ahna murashax u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland ayaa hadal uu ka jeediyay shirka jaraa'id ku sheegay inay ka go'antahay in doorashada Puntland ka dhici doonta toddobaadyo kaddib ay noqoto mid lagu wada qanco.

"Waxaan naga go'an mar walba inaan ka shaqeeno sidii Puntland ay uga dhici lahayd doorosho lugu wada qanco, waana ku dadaallayna sidii ay u dhici lahayd doorashada hab xalaal ah u qabsoonta," ayuu yiri Faroole.

Sidoo kale, Faroole ayaa hadalkiisa ku daray inuu soo dhaweynayo kulanka uu la qaatay madaxweynihii hore ee Puntland Jen.Cadde, isagoo ku daray hadalkiisa in sidoo kale uu soo dhaweynayo heshiiska ay gaareen isaga iyo Jen. Cadde.

Isku soo wada duubo ; kulanka ay wada qaateen madaxweyne Faroole iyo Jen. Cadde ayaa wuxu kusoo beegmayaa xilli la sheegayo inuu dib u dhac ka jiro waqtigii loo balansanaa inay Puntland ka dhacdo doorashada madaxnimo.


Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya