4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2013
SAACID: “Anigu Siyaasadda kama baxayo, laakiin qof walba oo Soomaali ah waxaa looga baahan yahay inuu dalka wax u qabto”


Axad, December 29, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo VOA-da siiyay wareysi kaddib markii uu xilka ra’iisul wasaarenimo ku wareejiyay ra’iisul wasaarihii lasoo magacaaba C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay sheegay inuu kusii jirayo siyaasadda Soomaaliya uuna dalkiisa u qabanyo wax walba oo uu awoodo.

Saacid wuxuu sidoo kale sheegay in hal sano ka hor sida ay Soomaaliya hadda tahay aysan ahayn, uuna taas uga mahadcelinayo wasiiraddii lasoo shaqeeyay oo uu sheegay inay howl wanaagsan qabtee halkii sano ee ay shaqada wadeen.

“Maanta Soomaaliya aad ayay uga dhow dahay hal sano ah dowladnimada, marka  la eego sidii ay ahayd markii aanu xilka qabanayay,” ayuu yiri Saacid oo xusay in isaga iyo wasiiradiisii ay qabteen howl wehyn oo muuqata.

Su’aal ahayd in howlaha laga sugayo xukuumadda cusub oo ay ka mid yihiin in dalka ay gaarsiiso sannadka 2016-ka doorasho xor ah ay suuro-geli karto iyo in kale ayaa wuxuu ku jawaabay.

“Howlaha aad sheegtay iyo kuwo kale oo badan oo aad ka tagtayba waa laga sugayaa xukuumadda cusub inay qabato, waxaana sheegayaa inaan dhignay qorshihii lagu gaari lahaa, waxayna ku xiran tahay ka gun-gaaristooda sida ay shaqada u waddo xukuumadda cusub, waana ku kalsoonahay in la gaari karo ujeeddooyinkaas oo dhan.”

Sidoo kale, su’aal ahayd inuu dib ugu laabanayo shaqadii ganacsiga oo uu ku jiray markii xilka ra’iisul wasaaraha loo magacaabay iyo in siyaasadda uu ku sii jiri doono ayuu kaga jawaabay mar kale.

“Qof walba oo Somali ah ma ahan wuxuu u qabanayo dalkiisa in uu siyaasad u maro. Maanta Soomaaliya  waa nugushahay waxaana qabaa in ruux walba oo Soomaali ah uu dalkiisa wax u qabto, aniguna taas ayaan kasii mid ahaan doonaa, mana hagran doono wixii ay Soomaaliya iiga baahan tahay, ALLENA waxaan rajeynayaa in dadaalkeyga iyo midka dadka uu mideeyo, maantana lama joogo xilli la yiraado ruuxan dalka xil ma ka hayaa iyo kama hayo ee waa in si wadajir ah dalka wax loogu qabto aniga taas ayaan qayb ka ahay.”

Mar kale oo la weydiiyay inuu hami kaga jiro inuu dalka mar kale ka noqdo ra’iisul wasaare ama madaxweyne ayuu ku jawaabay in intii uu kusoo jiray siyaasadda aysan jirin cid ku tiraahda ka carar siyaasadda, balse ay dadkii uu la kulmay oo dhan ku dhiirrigelinayeen, anigana taas ayaan kusii shaqeyn doonaa.

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay inay jireen wax faro-gelin ah oo ku yimid intii uu xilka ra’iisul wasaaraha hayay ayaa wuxuu ku jawaabay, inaysan jirin wax faragelin ah oo lagu sameeyay oo aan oran karo howshayda ayay wax u dhimeen ama wax aanan doonaynayn ayay igu qasbeen, balse waxyaabo yar-yar oo aanan doonayn inaan dib u gocdo way jiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya