4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2013
Soomaalida ku nool Kenya oo horumar ballaaran oo dhanka ganacsiga ah ka sameeyay Magaalooyinka Waaweyn ee dalkaas

Suuqa_Islii112.jpg
Axad, December 29, 2013 (HOL) — Soomaalida ku nool Kenya ayaa gaartay horumar ballaaran oo dhanka ganacsiga ah sannadihii ugu dambeeyay sida uu qoray wargeyska The Standard oo kamid ah wargeysyada ugu afka dheer Kenya.

Ganacsiyada Soomaalida ayaa si wayn ugu fiday magaalooyinka waawayn iyadoo uusan ku koobnayn ganacsigooda kaliya xaafada Eastleigh oo ay Soomaalidu ku leeyihiin mid kamid ah suuqyada ugu wayn bariga iyo bartamaha qaarada Afrika.

Bartamaha caasimada caasimada gaar ahaanna xarunta dhexe ee ganacsiga Nairobi (CBD) ayaa waxaa ku fiday maalgashiga Soomaalidu ay ka wadaan dalka Kenya taasoo sii kordhisay horumarka dhinaca ganacsiga ay ka gaareen Soomaalidu.

Sababaha horumarkan keenay ayaa lagu sheegay ganacsiga is-aaminida ku dhisan ee ay Soomaalidu caanka ku yihiin kaasoo ay lacago isku darsadaan dad is-aaminay oo ku shirkooba ganacsigooda.

Lacagahan maalgashiyada lagu samaynayo ayaa inta badan waxaa isku darsada xubno kamid ah bulshada Soomaalida taasoo la yaab ku noqotay dadyowga aan Soomaalida ahayn oo aysan inta badan suuroobin in ruux uu xoolihiisa ruux kale ku aamino.

“Guulaha ganacsi ee Soomaalidu gaartay waxaa sabab u ah is-aaminida dadku ku shirkooba maalgashiyada ay samaysanayaan taasoo Soomaalidu ay ku aaminaan lacagtooda qofkale” sidaa waxaa yiri Xassan Bashiir oo ah madaxa shirkada caymiska ee Takaful oo waraysi siiyay wargeyska The Standard.

Sababaha kale ee keenay in Soomaalidu ay noqoto mid ka mid ah bulshooyinka guulaha waawayn ka gaaray dhinaca ganacsiga ayaa lagu sheegay inay tahay u bareeritaankooda khatarta ka imaan karta marka maalgashi la samaynayo.

“Soomaalidu waa dad u bareera khatarta, ogolaadana inay faa’iido yar ka raadiyaan ganacsigooda taasoo dhaxalsiisay guul” ayuu yiri Cabdullaahi daahir oo madax ka ah shirkada Imara Daima Gardens.

Maalgashiyada iyo lacagaha ay soo diraan dadka ku nool qurbaha ayaa lagu tilmaamay inay lafdhabar u tahay horumarka ay ganacsiga ka gaareen bulshada Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya.

Wargeyska ayaa sheegay in bulshooyinka kale ee dalka Kenya ay ku guul darraysteen inay qaadaan tallaabooyinka ay Soomaalidu qaaday taasoo lagu micneeyay kala shakiga iyo kalsooni la’aanta ka dhexaysa bulshooyinkan.

Cilmi-baaris dhawaantan ay ku samaysay ganacsiga Soomaalida ee ka jira xaafada Eastleigh qaybta barnaamijyada qurbo-joogta ee jaamacada Oxford ayaa lagu ogaaday in guulaha ganacsiga ee Soomaalidu ay gaartay inay tahay mid muujinaysa awooda dhaqaale ee ay abuuri karaan qurbo-joogta isku darsada lacagtooda taasoo keentay isku filnaansho dhanka dhaqaalaha ah.

Warbixinta uu qoray wargeyska The Standard ayaa noqonaysa midii ugu horreysay ee lagu qiro horumarka dhaqaale ee Soomaalida ku dhaqan Kenya ay gaartay iyadoo marar badan warbaahinta Kenya warbixinno eedaymo xambaarsan ay ka qoreen ganacsiyada sii fidiya ee Somalida taasoo ay ka mid ahayd in maalgashiyada lagu sameeyo lacagaha madaxfurashada ah ee ay burcad badeedu ka qaataan maraakiibta lagu afduubo xeebaha Soomaaliya, iyadoo qaarkoodna ay ka digayeen iibsashada dhulalka xilli ay sare u kacday Soomaalida dhulalka ka iibsanaysa Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku nool malaayiin Soomaali ah kuwaasoo isugu jira muwaadiniin u dhashay waddanka iyo Soomaali ka timid Soomaaliya oo halkaas dagtay markii ay dagaallada sokeeye dalka ka dhaceen.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya