4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2013
Ganacsatada Gobollada Awdal, Selel iyo Gabilay oo Kalluumeysatada Seylac Iyo Lughaya ugu deeqay Doomaha Kalluumeysiga

Axad, December 29, 2013 (HOL) — Qaar ka mi ah ganacsatada gobollada Awdal, Selel iyo Gabiley oo dhammaantood ka tirsan Somaliland ayaa ugu deeqay shan doomood oo kuwa kalluumeysiga ah kalluumeystada ku nool degmooyinka Saylac iyo Lughaye.

Munaasibad arrintan loo qabtay ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Ibraahim Cumar Axmed oo ka mid ah ururka dhallinyada Ramad oo ku hadlayay afka ururka samafalka gobolka Salal ee Huddoon ayaa u mahad-celiyay ururka isku howlay deeqdan ee Huddoon.

“Anigoo ku hadlaya afka magaca ururka samafalka Hudoon waxaan si aad ah ugu faraxsanahay inaan maanta ku wareejino maamulka gobolka Salal shan doomood oo ah nooca kalluumaysiga oo aanu ugu talo-gallay degmooyinka Saylac iyo Lughaya, waxaa degmada Saylac ka howlgala laba doomood oo kuwa kalluumeysiga ah, halka degmada Lughayana ay leedahay saddex, sidaa darteed waxaan badhasaabka ku wareejinayaa furayaasha doomo aan ugu talo-galnay in kalluumeysatada gobolka lagu caawiyo,” ayuu Ibraahim Cumar yiri.

Waxaa kaloo isna goobta ka hadlay isku-duwaha wasaaradda kalluumaysiga gobolka Salal, C/qaadir Ismaaciil Jaamac oo aad ugu mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geysatay hawshan ballaadhan ee ah horumarinta hawlaha ka faa’iidaysiga khayraadka baddaha.

Guddoomiyaha gobolka Salal, C/llaahi Faarax Meydhane ayaa ammaan u jeediyay ururka shantan doomood ugu deeqay iskaashatada kalluumaysiga waddaniga ah ee deegaanka gobolalka Salel, waxaanu ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan iskaashatooyinka kalluumeysiga gobokaas doomaha deeqda ah ee loo keenay.

Intaasi kaddib, badhasaabku ayaa ku wareejiyay ururka RAMAD furayaasha shan doomood oo loogu talo-galay degmooyinka Saylac iyo Lughaya, waana markii u horreysay ee mucaawino noocan oo kale ah timaado deegaannada Saylac iyo Lughaya.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland