4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2013
Isu-duwihii dhallinyarada & ciyaaraha gobolka Awdal oo xilkii ku wareejiyay Isku-duwe Cusub oo lasoo Magacaabay Gobolka

Axad, December 29, 2013 (HOL) — Munaasabad kooban oo Sabtidii shalay ka dhacday xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa waxaa xilka kula kala wareegay isku-duwihii hore ee wasaarada dhallinta iyo ciyaaraha Gobolka Awdal, C/wahaab Yuusuf Ibraahim iyo isku duwaha cusub ee xilkaas loo magacabaya, mudane Samarroon.

Munaasabada ayaa waxaa xilka u kala wareejiyay xoghayaha gobolka Awdal, Asad Cabdi Jaamac, iyadoo goobta ay hadallo ka jeediyeen labada mas’uul ee xilka la kala wareegay, iyadoo goobta laga sheegay in isbedelka xilalka uu keeno horumar.

Hadaba waxaa u suurogashay HOL in markii ay dhammaatay munaasabadda xilalka lagula kala wareegayay ay la hadasho xoghaye Asad Cabdi Jaamac si uu faahfaahin dheeraada ah uga bixiyo xil wareejinta.

“Xil wareejintan waa mid uu guddoomiyaha gobolka Awdal, Cabdoo Aayar ii wakiishay maadaama uu ku sugan yahay Hargeysa, xil wareejintuna waxay ku dhacday si wanaagsan oo sharciga waafaqsan,” ayuu xoghayuhu HOL u sheegay.

Mar aan weydiinnay xilliga rasmiga ah ee uu xilka la wareegayo C/wahaab Yuusuf Ibraahim oo loo magacaabay wasaarada duulista iyo hawada ayaa noo sheegay in toddobaadkan gudihiisa ay wafti ballaaran oo uu agaasimaha guud ee wasaarada duulista hawadu hoggaaminayo ay Boorame imaanayaan si ay xil wareejinta u sameeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, dadwaynaha ku dhaqan magaalada Boorama ayaa isha ku haya sida ay noqon doonaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee gobolka Awdal ka jira xilligan iyo halka ay saldhigtaan.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland