4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2013
MADAXWEYNAHA JABUUTI: “Murannada soo dhexgala Hoggaanka Dowladda Soomaaliya Waa mid ku dhashay kalsooni-darro”

FILE - Djibouti's President Ismail Omar Guelleh.
Axad, December 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreysay ka hadlya khilaafka soo dhexgala madaxda Soomaalida, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inta uu socdo xilliga ay wada-shaqeynayaan.

Geelle wuxuu sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay oo khilaaf uu soo dhexgalo madaxweyne Soomaaliyeed iyo ra’iisul wasaarihiisii, laakiin 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay madaxweynayaashii dalka soo maray iyo ra’iisul wasaarayaashoodii markii ay muddo wada-shaqeeyaan ay is-afgaran waayaan.

“Sababta anigu ma garanayo, ma dastuuurka ayaan ahayn mid saxan oo si cad u qeexaya awoodaha uu mas’uul walba leeyahay, ma dad doonaya inay ka faa’iideystaan oo ay balaayo dhex-dhigaan madaxweyne walba iyo ruuxa uu u doorto ra’iisul wasaaraha ayaa jira, balse, anigu waxaan soo jeedinayaa in dib loogu laabto hab dhismeedka dastuurka,” ayuu yiri Geelle oo wareysi gaar ah siinayay VOA-da.

Isagoo sii hadlaya ayuu madaxweynaha Jabuuti sheegay in sidoo kale uu soo jeedinayo in la bedelo habka ay dowladdu u dhisan tahay sida in laga dhigo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen oo dastuurka isbedel lagu sameeyo ama si kale oo macquul ah loo bedelo, si looga fogaado kalsooni-darrada soo dhexgasha madaxda dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihii la shaqeynayay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa muran soo dhexgalay awgiis wuxuu sababay in baarlamaanku uu kalsoonida kala laabto xukuumadii uu horkacayay Saacid, iyadoo madaxweynuhuna uu isla bishan soo magacaabay ra’iisul wasaare cusub.

Dhanka kale, madaxweynaha Jabuuti oo wax laga weydiiyay federaaliisimka Soomaaliya ayaa sheegay in taasi aysan iyaga ula muuqan wax wanaagsan, balse ay tahay sun la geliyay Soomaalida oo aan hadda laga karayn ka jooga.

“Qorshaha federaalka waa sun Soomaalida la geliyay oo aan hadda laga kari karin iska daaya, waxaadna arkaysaa dowlad-goboleed iyo maamul-goboleed la isku dhinac wado, mana qabo in qabiil iyo Qaran ay meel wada-geli karaan,” ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Jabuuti oo wax laga weydiiyay in Jabuuti ay hormuud u ahayd muddo badan siyaasadda Soomaaliya, balse hadda ay u muuqato inay dib uga yara sikatay, isagoo taas ka jawaabayayna wuxuu sheegay inaysan jirin wax iska bedelay siyaasaddeeda, balse ay go’aan ku gaareen inaysan faragelin ku sameyn maamulkooda oo ay ixtiraamaan madaxda hoggaanka haysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya