4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia oo Kormeeray Dekedda Muqdisho iyo Xerada Barakacayaasha ee Rajo (SAWIRRO)


Sabti, December 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeerkiisii ugu horreeyay ku tagay dekedda weyn ee Muqdisho, xerada barakacayaasha ee Rajo, waxaana sidoo kale uu xarigga ka jaray dugsiga sare ee Macallin Jaamac oo ay dowladdu dib u dhis iyo qalabeyn ku sameysay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyntii ka qayb-galay munaasabad kooban oo xarigga looga jarayay dib u furidda dugsigii sare ee Macallin Jaamac oo ku yaala degmada Xamar-weyne, kaasoo burbursanaa muddooyinkii ay ka socdeen dagalka dagaallada sokeeye, iyadoo wasaaradda addeega bulshada ay dayactirtay dugsigan, iyadoo ka duulaysa qorshaha AADA DUGSIYADA oo loogu talogalay inay ku dhawaad hal milyan oo carruur Soomaaliyeed ah ay aadaan dugsiyada.

Mudane C/weli Sheekh ayaa markii uu xarigga ka jaray dugsiga xusay in waxbarashadu ay muhiimad gaar ah u leedahay bulshada Soomaaliyeed iyo weliba dalka, isla markaana xukuumaddiisu balan-qaadeyso horumarinta iyo kobcinta adeegyadii waxbarasho iyo tayeynta macalimiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Somalia oo kormeerkiisa sii wata ayaa tagay dekedda weyn ee Muqdisho, wuxuuna halkaas kula kulmay maamulka dekedda kana warbixin ka siiyay howlaha dekedda iyo kor u kaca dakhliga ay sameysay dekedda sannadkan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in ahmiyad gaar ah ay u leedahay dowladda Soomaaliyeed habsami u socodka howlaha dekedda iyo arurinta dakhliga, isagoo xusay in dekeddu ay tahay isha kaliya ee dhaqaalugu uu kasoo galo dowladda Soomaaliya.

“Xukuumadda aan soo dhisayo waxay dar-dargelin doontaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta ilaha dakhliga dawladda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiweli Sh. Axmed oo xusay inuu si dhow ay ula shaqeyn doono dhamaan dekedaha dalka.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha ayaa booqday xerada barakacayaasha ee Rajo oo ay ku nool yihiin qoysas tiradoodu gaareyso 2,400-qof, waxaana halkaas uu ugu kuur-galay xaaladda nololeed ee dadka ku nool xeradaas. Iyadoo howl-wadeenno u dhashay Turkiga, gacantana ku haya xeradan ay  warbixin ka siiyeen qaabka ay kaalmada ugu fidiyaan barakacayashan.

“Waxaan halkan mahad-naq uga jeedinayaa dowladda iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Turkiga oo runtii noo muujiyay gargaar iyo garab-istaag walaaltinimo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh oo dhanka kale xusay in dowladda Soomaaliyeed ay xoogga saari doonaan sidii dadkan ay u heli lahaayeen adeegyada aasaasiga u ah nolosha sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare C/weli Sheekh ayaa gurigiisa ku booqday fannaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame oo in muddo ah xanuunsanayay. Isagoo ka murugooday xaaladda adag ee fannaanka uu ku jiro; isagoo Alle uga baryay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.

“Fankeenna wuxuu kaalin weyn kasoo qaatay wacyi-gelinta bulshada, waana laf-dhabarka horumarka iyo is-dhexgalka bulshada, waxaan halkaan ka bogaadinayaa doorkiisii wanaagsanaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo ugu dambeyn salaan diirran u diray dhamaan fannaaniinta, abwaannada iyo howl-wadeenada fanka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya