4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2013
Imtixaankii Simestar-ka Koowaad ee Jaamacadda Muqdisho oo si Rasmi ah uga billowday Maanta Xarumaha Jaamacadda (SAWIRRO)


Sabti, December 28, 2013 (HOL) — Waxaa maanta oo ay taariidu ku beegan tahay 28-ka December, 2013-ka si rasmi ah uga billowday xarumaha ay ku jaamacadda Muqdisho xarunta Soomaaliya imtixaankii simister-ka koowaad ee sanad-wax-barashadeedka 2013-2014 ee jaamacadda kaasoo u billowday dhammaan sagaalka kulliyadood ee ay jaamacaddu ka kooban tahay.

Dhammaan ardayda ka diiwaan-gashan kulliyadaha jaamacadda iyo qeybaha ay ka kooban tahay ayaa wajiyadooda laga dheehanay farxad iyo sida ay ugu diyaar-garoobeen imtixaanka.

Hadal uu warfaafinta siiyay diiwaan-hayaha guud ee Jaamacadda Muqdihso, Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa ardayda ugu duceeyay inuu Alle qalinkooda toosiyo; wuxuuna u mahadceliyay waaliddiinta ardaydooda ku aaminay inay wax ka bartaan jaamacadda Muqdisho; isagoo ardayda u rajeeyay horumar wanaagsan.

“Jaamacadda Muqdisho waxay u taagan tahay sidii ay kor ugu qaadi lahayd aqoonta ardayda Soomaaliyeed; ayna u soo saari lahayd arday asaaggooda la tartama,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed jaamacadda laga soo saaray.

Gaba-gabadii imtixaankan ayaa wuxuu socon doonaa 10 casho ah iyadoo ay ardayda labada gelinba geli doonaan imtixaanka.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya