4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2013
Mudaaharaad ka Dhashay Biyo yaraanta ka Jirta Hargeysa iyo Xukuumadda oo wada-xaajood la gashay darwallada Booyadaha (SAWIRRO)


Sabti, December 28, 2013 (HOL) — Mudaharaad balaadhan ayaa ka dhacay qaar ka mid ah xaafadaha magaaladda Hargeysa, kuwaas oo ka cabanayey shaqo joojinta ay sameeyeen Booyadaha magaaladda Hargeysa iyo biyo yaraanta soo waajahday danyartii ku xidhnaa Booyadaha.

Mudaharaadkan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen illa saddex qof, waxaana markiiba dadkii isku soo baxay soo gaadhay wasiirka Arrimaha gudaha oo dajiyey, isla markaana u balanqaadya inay booyaduhu shaqadoodii bilaabayaan.

dadweynaha degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhegax ayaa wadooyinka ku xidhay dhagxaan iyo Taayiro, haseyeeshee waxa rasaas badan ku riday ciidanka Booliska oo doonayey inay dadka kala dareeriyaan, waxaase dadkii dhexgalay dajiyey wasiirka Arrimaha gudaha iyo Taliyaha Booliska C/laahi Fadal, isla markaana ciidankii Booliska ridayey ku amray inay rasaasta joojiyaan, waxaanu dadweynuhu u sheegay inay Booyadihii ku heshiiyeen inay shaqadoodii dib u bilaabayaan.

Xukuumadda ayaa ilaa shalay waday waan-waan u dhexeysa xukumadda iyo booyadaha, haseyeeshee Booyadaha ayaa nidar ku galay in aanay shaqaynayn ilaa cashuurta laga dhimo, taas oo keentay inay xukuumaddu adeegsato booyadihii ciidamadda oo xalay xaafadaha ugu shubayey bilaash, isla markana ay dawladdu shidaalka iyo biyahaba ka bixinayeen, iyagoo ka baqayey inay dadku ku kacaan.

Sidoo kale, shan Booyadood oo ka mid ahaa dhawr boqol oo booyadood oo shaqada joojinta ku dhowaaqay, ayaa xukuumaddu ka soo sasabatay booyadihii kale, isla markaana siiyey lacag iyo shiidaal bilaash ah si ay dadka u waraabiyaan, halka Boqolaalkii kale ee Booyadaha ahaana ku xareeyeen dayr weyn.

Muran dheer iyo isqabqabsi ka dib waxa guddida booyadaha iyo xukuumaddu isku afgarteen inay shaqadoodii bilaabaan, isla markaana  aan la waydiin doonin wax cashuur ah inta wada hadalku u socdo.

Si kastaba ha ahaatee, labaddii cishe u dambeeyey waxa magaaladda Hargeysa laga dareemayey biyo la’aan, taas oo xukuumaduna ku dadaalaysay sidii aan loo tabin shaqaddii ay baneeyeen booyadaha, iyagoo hawlgaliyey Booyadihii dawladda iyo qaar ka mid ah kuwo shacabka.

Ugu dambayntii wasiirka Arrimaha gudaha, Maayarka Hargeysa iyo maareeyabaa Biyaha Hargeysa iyo guddida Booyadaha ayaa  ku heshiiyey in guddi labadda dhinac ah isku yimaadaan, isla markaana laga wadda xaajooddo sidii xal loo gaadhi lahaa, inta ay wada hadalkaasi socdana shaqadii dib u bilaabaan, taas oo ay aqbaleen guddidii booyadaha oo galabta bilaabay biyo dhaamintii.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland