4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2013
Isimmada Puntland oo Shirarkii uga socday Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland oo kasoo saaray go'aamo la xiriira Doorashada

Sabti, December 28, 2013 (HOL) — Isimmada Puntland ayaa  shir uga socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxay kasoo saareen go'aammo la xiriira doorashooyinka ka dhacaysa Puntland billowga sannadka cusub ee soo socda.

Go'aammada ay isimmadu kasoo saareen shirkooda oo ka koobnaa saddex qodob ayay ku sheegeen inay muhiim tahay dhaqan-gelinta qoddobada shirkooda kasoo baxay, waxayna si adag u sheegeen inaysan doorashadu dhinac u dhaafin xilli loo ballansan yahay ee ah 08-da bisha Jannaayo ee sannadka 2014-ka.

Haddaba qodobbada kasoo baxay shirka ayaa waxay ahaayeen:

1. Isimmadu waxay isla qaateen in doorshada Puntland ay dhacdo xilligii loogu talo-galay ee 08-da Jannaayo sannadka soo socda ee 2014-ka, aysana ka dib dhicin.

2. Isimmada Puntland waxay go’aamiyeen inaysan guddiga xallinta khilaafaadka iyo xulidda xildhibaannada aysan shaacin karin kuna dhawaaqi karin xubnaha golaha wakiillada ee ay soo xuleen illaa isimmadu ay ka turxaan-bixinayaan waxyaabaha la isku haysto.

3. Isimmada Puntland waxay u diyaar u yihiin inay xalliyaan wax walba oo la isku hayo, khilaafna uu ka jiro si doorasho xalaal ah u dhici lahayd.

Qoddobada ay soo saareen isimmada waxaa ku saxiixna dhammaan isimmadii ka qeyb-galay shirarkii maalmahan uga socday magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya