4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2013
Xulashada Ciyaartoyada Kubadda Kolayga Somalia oo ka billowday Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka (SAWIRRO)


Sabti, December 28, 2013 (HOL) — Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa ka billowday tabbabar lagu xulayo xulka kubadda kolayga ee Soomaaliya uga qaybgalaya ciyaaraha Bariga Africa ee sannadka 2014-ka ka dhacaya magaalada Kambala ee dalka Uganda.

Dhallinyarada tartamaysa ayaa ka yimid gobolladda dalkan Maraykanka iyo dalka la dariska la ah ee Canada, waxaa ka muuqatay farxad iyo farsamo isboorti oo ay soo bandhigeen.

Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xiriirka kubadda Kolayga Somalia, Gani Xasan Nuur oo la hadashay HOL ayaa sheegtay inay ciyaartoyada ka xulan doonaan gudaha Soomaaliya iyo qurbaha si loo helo ciyaartoy awood leh oo meteli kara xulka Qaranka dalkeenna Soomalaiya.

“Annagoo ogolaasho ka haysana madaxda xiriirka ayaan hawshan billownay ilala sanadkan bilowgiisii waxaana ku faraxsan nahay in intan oo dhallinyaro ah oo raba inay xulka waddankooda u ciyaaraan ay gobolka Minnesota isagu yimaadaan,” ayay tiri Gani Xasan.

Sidoo kale, Axmed Daahir oo ka mid ahaa ciyaartooydii hore ee dalka ayaa isna HOL u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu qayb ka ahaado qorshaha lagu xulayo xulka kubadda kolayga Soomaaliya. waxuuna u rajeeyay guul xulka Qaranka Soomaaliyeed iyo tababbaroohada C/qadir Barajab.

Waxaa kaloo goobta xulashada ku sugnaa Cabdi Maxamed Ciye (Cabdi Dheere) oo ahaa tababbarahii kooxdii Jeenyo iyo xulka Qarankii xiliyadii sideeddanaadkii, isagoo HOL u sheegay in uga yimid hawshan dalka Canada gaar ahaan magaalada Toronto, uuna waday ilaa afar ciyaartoy wuxuuna u mahadceliyay bahda isboortiga ee Minnesota siday u soo dhaweeyeen afartii dhallinyarada ahayd ee uu keenay, kuwaasoo ka qaybgalaya tartanka lagu xulanayo ciyaartoyda kubadda koleyga Soomaaliya.



Siyaad Siciid Saalax
[email protected]
Minneapolis, Minnesota