4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2013
Madaxda IGAD oo ku hanjabay in tallaabo ay qaadayaan haddii si dhaqso ah aan lagu joojin Colaadda Koonfurta Suudaan


Sabti, December 28, 2013 (HOL) — Madaxda dalalka urur goboleedka IGAD oo kulan ku yeeshay Nairobi Jimcihii shalay ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabo aanay sheegin nooceeda haddii labada dhinac ee dagaalamaya aysan colaaddooda ku joojin muddo afar casho ah.

Kulanka ay madaxda IGAD ku yeesheen Nairobi ayay kasoo saareen war-murityeed ay ku sheegeen in dhinacyadu ay si shuruud la’aan ah dagaallada ku joojiyaan, ayna isugu yimaadaan miiska wadahadalka si dhexdhexaadin ay u billaabaan.

“Dhinacyada dagaallamaya haddii ay afar maalmood gudahood hubkooda ku dhigi waayaan oo aysan dagaalka joojin, waxay taasi keenaysaa in tallaabo aan qaadno,” ayay yiraahdeen hoggaamiyeyaasha oo aan sheegin nooca ay noqon doonto tallaabadooda.

Colaadaha ka taagan dalka Koonfurta Suudaan oo soo billowday 15kii bishan December ayaa la sheegay inay ku dhinteen kumannaan qof oo shacab ah, iyadoo ay ku barakeen in ka badan 121,000 oo qof.

“Marnaba ma ogolaanayno in xukunka laga tuuro madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir oo ay soo doorteen shacabka dalkaas,” ayuu Kenyatta ku sheegay hadal uu jeediyay markii uu kulanka hoggaamiyeayasha IGAD soo dhammaaday.

Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan, Salva Kiir ayaa ku xigenkiisii hore, Riek Machar oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ku eedeeyay inuu isku dayay inuu xukunka ka tuuro, taasoo madaxweyne ku xigeenkii hore ee xilka laga qaaday bishii July ee sannadkan uu iska fogeeyay.

Kiir iyo Machar ayaa waxay horay u ahaayeen xulufo isku dhow iyagoo kasoo kala jeeda labada qabiil ee ugu awoodda badan dalkaas ee Dinga iyo Nuwer, iyadoo dagaallada hadda ka socda dalkaas ay yimaadeen markii uu soo dhex-galay khilaaf dhinaca awood qaybsiga ah.

Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa waxay u xil-saareen xal ka gaarsita colaadda Koonfurta Suudaan ka socota madaxweyanaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn maadaama ay labadaas dal daris la yihiin dalka ugu cusub Afrika ee Koonfurta Suudaan oo 2011-kii xorriyaddiisa ka qaatay Suudaanta weyn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya