4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2013
Madaxweynaha Jabuuti oo Sheegay inay Ciidammo Dheeraad ah u dirayaan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Sabti, December 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi gaar ah siinayay Idaacada VOA-da, ayaa sheegay in ay qorsheynayaan ciidamo dheeraad ah oo  lagu biiriyo ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaa oo qeyb ka noqon doona howlgalka  ka dhanka ah Al-shabaab.

"
Laga soo bilaabo sanadkii 2006-da Al-shabaab dagaal ayay ku jireen, mana ahan kuwo doonaya dowladnimo, nabad iyo xasilooni, annagga waxaan aamminsannahay in aan ula simannahay Al-shabaab ciidmada kale ee dalka  ku sugan sida Uganda, Itoobiya, Burundi Kenya iyo kuwa kale, sidaa daraadeed qorshaha socda waa in laga adkaado,’’ ayuu yiri madaxweyneo  Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudo labo ilaa sadax todobaad gudahood ah gaari doonaan magaalada Beledweyne ilaa 1000 askari oo ku biiri doona ciidamada Jabuuti si loo xoojiyo qeybta afaraad ee howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

“Ciidamada dowladdaha kale ka socda waa ay ka badan yihiin taa waan ka ognahay, laakiin annaga oo ku  kalsoon shacabka ay ciidamadeena la joogaan waxaan aaminsannahay in aan isbadal weyn sameyn karno,’’ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Mar la weydiiyay su’aal aheyd in uu amminsanyahay wada hadal lala gallo Al-shabaab,” ayuu yiri Haddii uu jiro hab lagula haddli karo oo ay nabad ku qaadanayaan waan soo dhaweyn laheyn, laakiin waxaan u maleynayaan in aysan iyagu aaminsaneyn wada hadal, sidaa daraadeed sida kaliya ee looga adkaan karo waa in lala dagaallamo,’’ ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Wuxuu sheegay in uu socdo qorsho la doonayo in Al-shabaab looga saaro degmada Buula-burte oo ah degmada labaad ee ugu ballaaran gobolka, laakiin ma uusan sheegin waqtiga tallaabadaas ay qaadayaan ciidamada Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti mudadii ay ku sugnaayeen magaalada Beledweye soo saareen ama dhiseen ciidamo Soomaaliyeed oo siweyn u qalabeysan, laguna aamini karo sida uu hadalka u dhigay ammniga gobolka.

“Gobollka hadda waxaa ka dhisan ciidammo aad u qalabeysan oo xoog badan oo aan is leeyahay haddii ay halkaa ciidamada Jabuuti ka soo baxaan waa ay  ku fillan yihiin ammniga,’’ayuu sheegay Ismaacil Cumar Geelle.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in hal askari uu kaga dhintay weerar isugu jira Ismiidaamin iyo mid timid toos ah oo xarrakada Al-shabaab 19-kii bishii ina dhaaftay ku qaadeen saldhiga booliiska magaalada Beledweyne, waxaana sidoo kale xusid mudan in ay jiraan weeraro xiliyada habeenkii Al-shabaab ku qaadaan saldhigyada ciidamada Jabuuti  ku leeyihiin daafaha magaalada.

Ugu danbeyn, madaxweyne Geelle ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqaaqii doonaan ciidamada cusub ee  lagu biirinayo howlgalka midowgga Africa AMISOM qeybta gobolka Hiiraan oo xoojin doona sida uu hadalka u dhigay qorshaah la doonayo in gobolka Hiiraan looga saaro Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya