4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2013
Kooxo hubeysan oo xalay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ku toogtay Nabaddoon can ka ahaa degmada

Sabti, December 28, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose nabaddoon lagu magacaabi jiray, Suldaan C/qaadir Baliille, iyadoo kooxaha dilka geystay ay markiiba ka baxsadeen goobta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay ay ku hubeysnaayeen bastoolado ayna nabaddoonka ku toogteen bartamaha degmadaas xilli uu ku socday gurigiisa, iyadoo lagu wado in maanta suldaanka xabaalo Afgooye.

Xildhibaan Cali Ganey oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in toogashada suldaanka ay geysteen kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn.

“Suldaanka wuxuu ka mid ahaa nabaddoonnada sida weyn looga yaqaanno gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan degmada Afgooye, wuxuuna ka mid ahaa waxgaradka ka shaqeeya nabadda degmada,” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in nabaddoonka oo dhashay 1960-kii uu ifka kaga tagay lix caruur ah oo kala ah saddex wiil iyo saddex hablo, isagoo tacsi u diray ehelladii uu ka geeriyooday iyo nabaddoonta gobolka Shabeellada Shabeellada Hoose.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay dilka kaddib degmada ka sameeyeen waxay kusoo qabqbateen tiro dad ah oo ay sheegeen inay uga shakisan yihiin inay ku lug leeyihiin dilka nabaddoonka loo geystay.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay inay ka dambeyso dilka nabaddoonka; balse saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Afgooye ayaa ku eedeeyay dilka Xarakada Al-shabaab.

Degmada Afgooye ayaa waxaa dhawaanahan ka taagnaa dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca ammaanka ah, iyadoo dhowr jeer oo hoer degmadaas lagu dilay nabaddoon iyo waxgarad si weyn looga yaqaannay halkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya