4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2013
Qaar ka mid ah isimmada soo-jireenka ah ee deegaannada Puntland oo shir uu uga furmay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal

Sabti, December 28, 2013 (HOL) — Gelinkii dambe ee shalay waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ka furmay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen qaar kamid ah isimmada soo jireenka ah ee Puntland.

Isimmada shirka kasoo qayb galay oo ay tiradoodu labaatan ahayd, waxay ka hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen doorashada soo socota ee Puntland iyo weliba sameynta guddiga marjaca ah ee isimmada.

Guddigaas oo la shaqeyn doona guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta, islamarkaana ka caawin doona turxaan bixinta arrimaha ay  ku adkaato in ay si fudud xal uga gaaraan, gaar ahaan haddii uu yimaado is-qab-qabsi la xiriira magacaabista xildhibaanada oo sida caadiga ah mararka qaar dhaliya muran hoose oo ka dhex dhasha beelaha.

Isimmada ayaa isla qaatay in sida ugu dhaqsaha badan loosoo gaba gabeeyo dhismaha guddiga marjaca, iyo weliba in ay ambaqaadaan howlaha kale ee loo xil saaray maadaama ay muddo koobani ka harsan tahay waqtigii doorashada.

Dhanka kale, ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa kulanka isimmada khadka telefoonka kaga qayb galay.

Danjire Kay ayaa bogaadiyey go'aanka ay murashaxiintu qaateen ee ahaa in ay aqbaleen guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta ee Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uu soo magacaabay.

Wuxuu dhinaca kale ugu baaqay isimmada in ay kaalintooda kasoo baxaan, islamarkaana ay sida ugu dhaqsaha badan kusoo dhisaan guddiga marjaca, si loo helo doorasho xor ah, xalaal ah kuna qabsoomta jewi nabdoon oo 8-da bisha soo socota ee Janaayo ka dhacda deegaanada Puntland.

Shirka isimmada oo ay ka maqnaayeen isimmo uu kamid yahay Islaan Ciise Islaan Maxamed, waxaa lagu wadaa in uu soo gaba gaboobo maanta oo sabti ah, wixii warar ah oo kasoo kordha shirka isimmada dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya