4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: "IGAD waa inay dadaal walba ku bixisaa sidii loo joojin lahaa Xiisadaha Koonfurta Suudaan"


Jimco, December 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ka qayb-galay shirkii madaxeedka dalalka IGAD ay Nairobi ku yeesheen maanta kaasoo looga hadlayay xaaladda dalka Koonfurta Sudan ayaa dalalka IGAD ugu baaqay inay juhdi ku bixiyaan sidii loo xalin lahaa colaadaha ka taagan dalka Koonfurta Suudaan.

Shirka hoggaamiyeyaasha dalalka IGAD ee Nairobi lagu soo gaba-gabeeyay ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha dalka Uganda, Yuweri Museveni, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailamarian Deselegn, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dalka Suudaan, Bakri Xasan Saalex iyo wasiirka arrimaha dibedda South Sudan.

Kulanka ayaa warbixin looga dhageystay booqashadii wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD ay ku tageen magaalada Jubba ee dalka Koonfruta Sudan 19-kii - 21-kii December 2013. Iyagoo kulammo lasoo yeeshay madaxda dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Tedros Adhonom oo ku hadlayay magaca wasiiradda IGAD ayaa sheegay in Xukuumadda Koonfurta Suudaan iyo kooxaha ka soo horjeeda ay ogolaadeen dhexdhexaadin iyo xabad joojin si xal loogu helo khilaafaadka jira.

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay shirka ayaa ku nuux-nuuxsaday inay muhiim tahay in IGAD ay si wadajir ah oo deg-deg ah ugu tafa-xaytaan sidii xal deg-deg ah loogu heli lahaa colaadaha ka jira Koonfurta Suudaan.

"Waa inaan muujinnaa dadaal kasta oo aan u joojinayno dhiigga daadanaya, isla markaana aanu dhex-dhexaadin lahayn kooxaha dowladda kasoo hor-jeeda si nabad iyo amni looga dhaliyo Koonfurta Suudaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo intaa ku daray ayuu yiri: “Soomaaliya 22-sano oo colaado iyo rabshado ah ayay soo aragnay, sidaas daraadeed waxaan ka digeynaa in collaadaha ka billowday Koonfurta Sudan ay sii dabo dheeraadaan, waana in dowladda lagu taageeraa qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta oo ay hormuud ka noqotaa; bacdamaa ay haysato sharciyadii dalka. diyaar bay Soomaaliya u tahay inay waayo aragnimadeeda uga faa'iidayso Koonfurta Sudan.”

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa 12 maalmood ee lasoo dhaafay ka socday dagaallo ay ku dhinteen kumannaan qof oo shacab iyo ciidammo ah, iyadoo madaxda IGAD ay ku baaqeen in dagaalladaas si shuruud la’aan ah loo joojiyo lana bilaabo wadahadal muddo toban maalmood gudahood ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya