4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2013
Soomaali ku Geeriyootay iyo kuwo dhaawacmay Dagaallo kooxo Islaamiyiin ah ku dhexmaraya Waqooyiga dalka Yemen


Jimco, December 27, 2013 (HOL) — Ugu yaraan sagaal ruux oo Soomaali ah ayaa lagu dilay in ka badan 40 kalena waa lagu dhaawacay dagaallo dalka Yemen ku dhex-maraya kooxo diimeedyo Sunni iyo Shiico ah.

Dagaalkan oo ka socda deegaan aad u yar oo lagu magacaabo Damaaj ayaa oo ku yaalla waqooyiga dalka Yemen iyadoo loo diiday inay galaan hay’daha ka shaqeeya caafimaadka, iyadoo dagaalka uu fooda sii geliayaa bishii sadexaad.

“Waxaa dagaalkan uu u dhexeeyaa kooxo diimeedyo Sunniyiin iyo Shiico ah oo ku nool deegaankaas, waxaana ka dhashay dagaalladan khasaare nafeed oo aad u fara badan,” ayuu yiri Maxamed Bukhaari oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta machad diinta Islaamka laga barto oo halkaa ku yaalla.

Maxamed Bukhaari oo u warrramayay laanta af Somaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inuu dagaalkan u muuqdo mid ay dabada ka riixayaan dalal awood leh oo oo aan Islaam ahayn, kuwasoo ka xun nimcada uu Alle siiyay dalka Yemen.

Deegaankan ay dagalaladu ka socdaan ayaa wuxuu ku fadhiyaan dhul dhan 1-KM oo isku wareega ah, waxaana ku hareeraysan kooxaha diimeedka Shiicada ah ee Xuutiyiinta loo yaqaanno, kuwaasoo diiday inay galaan ha’yadaha bisha Cas iyo Laan-qayrta cas si ay u daweeyaan dadka dhaawcyadu soo gaareen.

“Intii uu socday dagaalka waxaa ku dhintay in ku dhow 184 oo qof oo sagaal ka mid ah ay yihiin Soomaali ay ku jirto hal dumar ah, waxaana dhaawaca uu gaarayaa 500 oo qof oo ay 43 ka mid ah yihiin Soomaali, mana jiraan cid daweynaysa, maadaama wadada deegaanka laga galo ay fadhinaan kooxda Xuutiyiinta ah oo la dagaalsan Sunniyiinta,” ayuu yiri Bukhaari mar kale yiri.

Sidoo kale, ardayga Soomaaliyeed wuxuu sheegay inay jiraan dad ka badan 38-qof oo la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyadoo dowladda dalka Yemen ay ku guuleysan wayday tan iyo xiligaas inay dagaalka joojiso.

Damaaj ayaa waxaa ku nool 7,000 oo qof oo muslimiin ah kuwaasoo isaga yimid caalamka dacaladiisa si ay diinta Islaamka uga bartaan machad ku yaala deegaankaas oo uu wax ka dhigo Sheekh looga dambeeyo barashada diinta Islaamka.

Soomaalida ku nool deegaankaas ayaa lagu qiyaasayaa inay tiradoodu tahay 300 oo qoys oo qaarkood kasoo guuray dalalka reer galbeedka kuwaasoo caruurtoodu u keenay inay halkaas wax ka bartaan, iyadoo dadka ku nool deegaankaas ay ku jiraan go’doon.

Magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen ayaa waxaa maalin walba ka dhaca dibad-baxyo dowladda looga dalbanayo inay ku qanciyaan kooxaha Xuutiyiinta ah in magaaladaas ay go’doonka ka qaadaan, taasoo illaa hadda aan lagu guleeysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya