4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2013
Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh oo xalay la kulmay haween ka socday Gobollada dalka iyo Magaalada Muqdisho


Jimco, December 27, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sh. Axmed Maxamed oo xalay kulan la qaatay haween ka socday gobollada dalka qaarkood iyo weliba magaalada Muqdisho kaasoo looga hadlay sidii haweenka ay kaalin muhiim ah ugu yeelan lahaayeen hoggaaminta dalka.

Haweenkii kulanka ka hadlay ayaa ra’iisul wasaaraha Somalia talooyinkii ay siiyeen waxaa ka mid ahaa inuu il-gaar ah ku eego haweenka uuna kaalin mug leh ka siiyo xukuumaddiisa si ay qayb uga qaataan aayo ka talinta Soomaaliya.

Intaa kaddib waxaa hadalay ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa ku dheeraaday kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed isagoo carrabka ku adkeeyay in gabadhaha ay soo celin karaan midnimada ummadda Soomaaliya, isagoo xusay in xukuumaddiisa ay fursad weyn siin doonto gabadhaha Soomaaliyeed si ay uga qaybqaataan dib u dhiska dalka.

“Waxaan rumeysanahay midnimada Soomaaliya haweenka ayay soo celin kara. Ragga gacmahooda ayuu dalku ku burburay aad ayayna u adag tahay inay raggu soo celiyaan, waxaana qabaa inay gabadhuhu soo celin karaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu xusay in khudbadiisii uu ku sheegay in haweenku ay kaalin ka qaadan karaan dib u dhiska dalka, dhaqaalaha soo celinta, federaaliisimka, horumarinta arrimaha bulshada iyo adeegyada guud. Isagoo intaas ku daray in habka uu ku shaqeyayo xafiiskiisa uu meel weyn ka geliyay haweenka Soomaaliyeed.

“Haweenka nooc kasta oo ay yihiin waa kuwa saldhigga u ah qoyska, midda aan doonayno waa inaan shaqo abuur u sameeyo dhallinyarada rag iyo hablo noocay doonaan ha ahaadeen, khudbaddaydiina way ku jirtay,” ayuu C/weli mar kale ku yiri hadalka uu ka jeediyay kulankii xalay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in qorshaha xukuumaddiisa ay ka mid tahay sidii looga hortegi lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee badaha ku le’anaya, kuwaasoo uu sheegay inay dhibaatooyin badan ku haystaan dalalka dunida qaarkood, sida Yemen iyo Sucuudiga oo uu kasoo shaqeeyay.

“Waxaan akhriyay qoraal ka hadlaya dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyeed ku haysata dalalka caalamka, sida Suudiga iyo Yemen, kuwaasoo haweenku ay iyagoo dhibaateysan ku dhalaan, qaarkoodna ay ku badda ku dhacayaan, waana inaan qorshaha ku darsanaa sidii aan kuwaas u badbaadin lahayn,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Haweenkii kulankan ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa fannaanada weyne ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Huddoon (Hiba Nuura) oo si gaar ah ra’iisul wasaaruhu uu ugu maamuusay ka qaybgalka kulankaas.

Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ra’iisul wasaaraha Somalia uu la yeeshay haween Soomaaliyeed oo gobollada dalka qaarkood iyo magaalada Muqdisho ka socday.

Ra’iisul wasaaraha ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, taas oo ay haweenku rajeynayaan inay jagooyin sar-sare ku yeeshaan inkastoo aan la ogeyn qorshaha ra’iisul wasaaraha ee arrintan ku saabsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya