4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2013
Ganacsato Soomaaliyeed oo kasoo Cararay Colaadaha ka taagan Koonfurta Suudaan oo soo gaaray Magaalada Kampala

Jimco, December 27, 2013 (HOL) — Soomaali badan oo ganacsiyo kala duwan ku haystay magaala madaxda Koonfurta Suudaan ayaa la sheegay in saacidihii la soo dhaafay ay soo galeen magaalada Kampla ee caasimadda Uganda, iyagoo kasoo cararay colaadaha sii kordhaya ee halkaasi ka jira.

Gaadiid gaaraya 400 oo gaari  oo isugu jira noocyo kala  gadisan ayaa la soo sheegayaa in ay gudaha u soo galeen xadka Uganda uu la wadaago dalka Koonfurta Suudaan ,waana tiradii ugu badnayd oo xadka soo gaarta inta la ogyahay tan iyo waqtigii ay bilowdeen dagaallada Jubba.

Sida laga soo xigtay xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee Kampala dadka soo gaaray Uganda ayaa u badnaa ganacsato in badan ku noolaa Koonfurta Suudaan ,kuwaasi oo hantidii ay lahaayeen lagu bililiqaystay wadanka ay ka soo carareen.

“Waxaa la ii sheegay in la  dhacay hantidii ay lahaayeen  oo dhan  oo ay la soo carareen naftooda si ay uga bad-baadiyaan dagaalka,“ ayuu yiri Abaadir Cabduqaadir oo kamid ah wariyayaasha Soomaaliyeed ee nool magaalada Kampala oo HOL la hadlayay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in 43-gaari oo ah nooca loogu tala galay in ay dhisaan guryaha ilaa iyo hadda  la la’ayahay, kuwaasoo ay lahaayeen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed iyo mid kamid ah darawalladii gaadiidkaasi wadayaasha ka ahaa.

Dowladda Somalia ayaa maalmo ka hor sheegtay in ay jiraan muwaadiniin ku geeriyooday dagaallada ka socda Koonfurta Suudaan, iyadoo ay jiraan kuwa kale oo ku jira xeryo ay dusha ka ilaalinayaan ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

Ugu danbayn, Soomaali badan ayaa la soo sheegayaa inay wali ku adag tahay ka bixitaanka magaala madaxda Koonfurta Suudaan ee Jubba, balse safaaradda Soomaaliya ee halkaas ayaa mar horeba sii bilowday in ay caawiso muwaadiinanta halkaa ku dhibaataysan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]