4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2013
Qarax geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho


Jimco, December 27, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 11-qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay maqaahi ay inta badan fariisan jireen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku taalla degmada Dayniile.

Qaraxan ayaa waxaa ka dhacay xaafad lagu magacaabo Bangalo oo ka tirsan degmadaas, iyadoo dadka ku dhintay ay ku jireen sarkaal ciidamada dowladda ka tirsan, haweeneydii maqaahida lahayd, ninkeedii iyo wiil ay dhashay.

Goobjoogayaal ku sugnaa halkaas waxay sheegeen in dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca uu soo gaaray ay u badan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, ayna ku jireen dad rayid ah oo maqaayadda cunno ka cunayay.

“Waxaa dhacay qarax weyn oo miino ahaa, waxaana geeriyoday 11-qof oo ay ku ciidammo iyo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda iyo haweeneydii maqaayadda lahayd, dhaawacyo badan ayaana aragnay,” ayuu yiri goobjooge la hadlay saxaafadda.

Guddoomiyaha degmada Dayniile, Xiireey Muxyadiin Cumar ayaa xaqiijiyay in qaraxu uu dhacay ayna ku dhinteen saraakiil iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo maqaayadda wax ka cunayay, isagoo sheegay in baaritaanno lagu raadinayo kuwii ka dambeeyay ay ka socdaan xaafadda uu qaraxu ka dhacay.

"Walaxda qaraxday oo ahay miino ayaa waxaa la dhigay dhabarka dambe ee maqaayadda waxaana ka dambeeyay kooxo Al-shabaab ka tirsan, qaraxaasna waa dhacay khasaare aad u xooggan waa geystay," ayuu yiri Xiireey Muxyadiin.

Sidoo kale, goobjoogayaasha ayaa sheegay in sarkaalka ku dhintay qaraxa lagu magacaabi jiray, Salaad Qoolleey oo ahaa madaxii xaafaddaas, iyadoo qaraxan uu ahaa kii ugu xoogga badnaa ee xaafadaas ka dhaca bilihii ugu dambeeyay.

Weli ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso weerarkaas, laakiin inta badan weerarrada noocan oo kale ah ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay Al-shabaab ka dambeyso. iyadoo uu ku soo beegmayo qaraxan xilli maalin ka hor la furay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha degmada Dayniile, ayaa dalbaday in shacabka degmadaas ay kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa kuwa dhibaatooyinka u geysanaya dadweynaha iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmadooda ku sugan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya