4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2013
Itoobiya oo Sheegtay inay Fashilisay Qaraxyo ay Al-shabaab doonaysay in ay ka geystay Magaalooyinka Addis Ababa iyo Jigjiga

Jimco, December 27, 2013 (HOL) — Saraakiisha ammaanka Itoobiya ayaa ku eedeeyay Al-shabaab inay ka dambeysay weerar noociisu ahaa mid is-miidaamin ah oo ay doonayeen inay ka geystaan magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya.

Hay’adda sirdoonka Itoobiya (NISS) iyo booliiska federaalka dalkaa ayaa ku sheegay warbixin ay wadajir u soo saareen inay xireen shan qofood oo lagu tuhmay inay doonayeen inay fuliyaan qaraxaas bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay.

Booliiska ayaa sheegay in qaraxan la doonayay in lala beegsado garoonka kubadda cagta ee Addis Ababa oo ay xilligaas ku jireen taageerayaal ay ka badnayd tiradooda 20,000 oo qof oo daawanayay ciyaartii finalka ahayd ee is-reeb-reebka dalalkii u soo baxay koobka Adduunka ee sannadka 2014-ka ka dhici doona dalka Baraasiil, kaasoo ay ciyaarayeen xulalka Itoobiya iyo Nigeria.

Toddobaadyo ka hor intii aanay ciyaartaas dhicin ayaa waxaa xaafad ka mid ah xaafadaha Addis Ababa waxaa ka dhacay qarax ay ku dhinteen laba qof oo la sheegay inay Soomaali ahaayeen, kaasoo saraakiisha booliisku ay ku sheegeen inuu ka mid ahaa kuwii la doonayay in garoonka lagu weeraro.

Eedeysanayaasha la qabtay oo kasoo muuqday telefishinka dalka Itoobiya ayaa sheegay inay tababar soo siisay Al-shabaab, ayna qorsheyanayeen inay weeraraan garoonka kubadda cagta, halkaasoo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya.

Sidoo kale, eedeysanayaasha la tuhunsan yahay ayaa sheegay in qorshaha uu ka mid ahaa inay bam ku weeraraan maalintii xorriyadda qowmiyadaha Itoobiya oo ka dhacday bishan magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xubno sar-sare oo saraakiisha Itoobiya ah oo uu ku jiro ra’iisul wasaaraha dalkaas, HaileMariam Desalegn ayaa ka qaybgalay xafladdii qowmiyadaha ee lagu qabtay magaalada Jigjiga.

“Isku-daydayaas waa fashilmeen, kuwaasoo lagu doonayay in lagu qarxiyo garoonka kubadda cagta iyo xafladdii qowmiyadaha Itoobiya ee Jigjiga ka dhacday,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISS-ta Itoobiya.

Weerarka la doonayay in lagu qaado garoonka kubada cagta ee Addis Ababa ayaa waxaa lagu soo beegay xilli dowladda Itoobiya ay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda amniga iyo markii ay Al-shabaab sheegtay inay weerartay rugta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi bishii September ee sannadkan, taasoo ay ku dhinteen 67-qof.

Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda dhowr weerar oo horay uga dhacay dalka Itoobiya, kuwaasoo ay ku sheegtay inay ahaayeen kuwo aar-gudanayso faragelinta milateri ee Itoobiya ay Somalia ku sameysay.

Itoobiya ayaa inta badan ku eedeysay in weerarrada dalkeeda ka dhaca ay geystaan kooxo ay taageerto dalka ay dariska yihiin ee Eritrea oo uu dagaal kala dhexeeyo, inkastoo Eritrea ay iska fogeysay eedeymayaas.

Ma jirto hadal kasoo baxay Itoobiya oo ay ku sheeganayso ama ku diidayso inay iyadu abaabushay weerarrada ay Itoobiya sheegtay in la doonayay in lagu qaado garoonka kubadda cagta dalkaas iyo xukii qowmiyadaha dalkaas ee bishan ka dhacay Jigjiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya