4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2013
Ururka Midowga Warbaahinta Soomaaliya oo looga Dhawaanay Muqdihso & Ma'suuliyiin kala duwan oo ka hadlay (SAWIRRO)


Jimco, December 27, 2013 (HOL) — Urur ay ku midoobeen ku dhawaad 20 idaacadood ayaa shalay oo Khamiis ahayd looga dhawaaqay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxaana goob-joog ka ahaa wasiirka warfaafinta, boostada isgaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya, Cabdulllaahi Ciilmoge Xirsi, afhayeenka madaxtooyada Inj. C/raxman Yarisow, afhayeenka xukuumadda, Ridwaan X. C/weli, afhayeenka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cismaan, afhayeenka booliiska Soomaaliyeed, xildhibaanon, ururrada bulshada rayidka  iyo ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Dhammaan mas’uuliyiintii goobta ka hadlay ayaa sheegay in ku dhawaaqista ururkan ay sahleyso is faham iyo wada-shaqeyn dhex-marta suxufiyiinta ka howlgala Soomaaliya iyo dawladda iyo sidoo kale in suxufiyiinta ay helaan xuquuqdooda, isagana uu u dhowro shuruurcda warbaahinta ee dalka.

Agaasimaha Raadiyo Dalsan, Xasan Cali Geeseey ahna guddoomiyaha KMG ah ee midowgan warbaahinta Soomaaliya ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay ku dhawaaqista ururkan uu yahay in la xoojiyo midnimada warbaahinta, iska warqabkood iyo waliba sidi ay u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Geeseey ayaa sheegay in xarumaha warbaahineed ee dalka ay ku duruufo adag oo dhinac walba ah ku shaqeeyaan, taasna looga gudbi karo mindimo iyo iskaashi buuxa oo dhexmara warbaahinta Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Idaacadaha maanta waxaa maamula xirfadlayaal saxaafadeed fursad ka fiican maanta oo aan wax ku dhisan lahaynna ma jirto,“ ayuu yiri geeseey oo intaas ku daray in iskaashigu uu wax weyn tarayo.

C/llaahi Maxamed Shirwac oo ah guddoomiyaha SOSHENSA oo ah dalad ay mideysan yihiin ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegay in midawga saaxafadda uu wax badan ka bedeli doono waaqicigii hore ee ay saxaafaddu ku shaqeyn jirtay, waxaana uu sheegay in SOHENSA ay garab-taagan tahay xarumahan midoobay .

Maxamed Sheekh oo isna ka socday hay’ada article 19 ayaa dhiniciisa soo dhaweeyey ku dhawaqista ururkan ay ku midoobeen warbaahinta qaar ka mid ah.

Dhanka kale, waxaa isaguna ka hadlay kulanka, Yuusuf Garaad Cumar oo ah madaxii hore ee laanta afka Soomaaliga BBC-da ayaa sheegay inay wax lagu farxo ay in saxaafadda Soomaaliya inta ay meel isugu yimaadaan ay ka wada-hadlaan aayahooda iyo ka qayb-qaadashada dib u dhiska dalka wuxuuna dardaaran u soo jeediyaya saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Afhayeenka booliiska Soomaaliyeed, Jen, Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale) ayaa sheegay in saxaafaddu ay tahay awoodda afaraad ee  dalka, haddii six un loo adeegsadana ay dhibaatooyin badan keeni karto.

Xarumaha idaacadaha ku ku midoobay ururkan oo afka qalaad lagu yiraahdo - Somali independent media houses association (SIMHA) waxay kala yihiin:

01. Radio Dalsan
02. Radio Star FM
03. Radio Banaadir
04. Radio Danan
05. Radio Banadir
06. VOD Radio Xamar
07. Wadaag Radio
08. Radio Maanta
09. Radio Baydhabo
10. Radio VOS (Kismaayo), Abdiwali Garyare
11. Radio Simba
12. Radio Jowhar
13. Radio Afgoye
15. Radio Merka
16. Radio Xurmo
17. Al-ixsaan, Cadaado Galguduud
18. Codka bartamaha, Hiiraan

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya