4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2013
Ciyaaraha Soomaalida ee Hirda Amsterdam AFT 2013 oo dalka Holland lagu soo gaba-gabeeyay (DAAWO SAWIRRO)


Jimco, December 27, 2013 (HOL) — Waxaa magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands lagu soo gaba-gabeeyay cayaaraha Soomaalida ee HIRDA AFT 2013, kaasoo sannadkii sagaalaad ka dhacay Holland, iyadoo sanadkan lagu xusayay hoggaamiyihii dalka Koonfur Afrika ee dhawaan geeriyooday Nelson Mandella.

Ciyaartan waxaa kasoo qayb-galay madax kala gedisan oo ka kala socday dowladda federalka Soomaaliya, dowladda hoose ee Holland, qaar ka mid ah madaxda jaaliyadaha Soomaalida ee Yurub, Madax ciyaaraha iyo Cayaartoy horey oo rag iyo dumar isugu jiray.

Mas'uuliyiinta cayaarahan kasoo qayb-gashay waxaa ka mid ahaa, danjiraha dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya xarunta ururka Midowga Yurub, Cali Saciid Faqi, madaxa isboortiga dowladda hoose ee Amsterdam Henk Stokhof, maamulaha jaaliyadda Soomaalida Amsterdam Cali Cabdi Waare, guddoomiye ku-xigeenka XSKK, Xaawo Taako, Axmed Muuse oo ka tirsan mas'uuliyiinta XKK, mucjisada kubadda miiska magan Tahir Yuusuf, Cabdi Goobdoon oo ka tirsan hormuudka jaaliyada Soomaalida Switzerland, Gar-yaqanad Shamso Xasan, Miski Cumar, Shukri Dalbaas, Xaawo Kiin, Axmed Diinaashe, iyo Maxamed Ismaaciil oo dhamaantooda ka mid ahaa cayaartoy hore ee Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Kooxaha cayaaraha HIRDA AFT 2013 ku loolamayay ayaa gaarayay 26-koox oo wiilal fuusal ah, laba kooxood oo wiilal kubadda koleyga iyo saddex koox oo gabdho kubadda koleyga, oo ka kala socday Britian, Sweden, Norwey, Germany iyo Holland, waxaana kulankii ugu dambeeyay isugu soo haray, kooxda Den-bosh iyo kooxda Den-Haag oo labadaba ka socday Holland, waxaana ugu dambeyn koobkii sannadka cayaaraha HIRDA AFT 2013, ku guleestay kooxda Den-Haag ee dalka Netherlands.

Munaasabad lagu soo gunaanadayay cayaaraha Soomaalida ee HIRDA AFT 2013, isla markaana lagu bixinaya abaal-marinno kala gedisan ayaa ka dhacday xarunta Sporthallen Zuid Amsterdam, iyadoona abaalmarino la-guddoonsiiyay cayaartoyda, kooxo iyo shaqsiyaad isugu jiray howlwadeeno isboorti, wariyeyaal iyo xubno kale.

Waxaa gaba-gabadii cayaarayaha HIRDA AFT 2013, ka hadashay Faadumo Faarax oo ah agaasimaha guud ee HIRDA oo sheegtay inay ku faraxsan tahay sida wanaagsan ee uu u soo idlaatay cayaaraha HIRDA AFT 2013, waxayna u mahadcelisay dhammaan dadkii kasoo qayb-galay habsami u socodka cayaaraha, kuwaasoo isugu jray mas'uuliyiin, cayaartoy, howl-wadeeno isboorti, qaybaha warbaahinta, kooxaha kala geddisan ee kasoo qayb-galay HIRDA AFT 2013 iyo dhammaan dadweynihii u soo daawasho tagay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya