4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Furay Kulanka Wadatashiga Mustaqbalka Dhallinyarada Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Jimco, December 27, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa furay kulanka wada-tashiga ah oo looga hadlayay mustaqbalka dhallinta Soomaaliyeed kaasoo uu soo qaban-qaabiyey naadiga dhallinyarada baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan wada-tashiga ah ee ku saabsan aayaha dhalinta Soomaaliyeed ayaa shalay ka furmay xarunta Golaha Shacabka; waxaana lagu marti-qaaday ku dhawaad 300 oo dhallinyaro ah, kuwaasoo ka socday ardayda wax-ka-barata jaamacadaha Muqdisho, aqoonyahanno horay jaamacado ku kala yaalla dalka gudihiisa iyo dibaddiisa uga soo qalin-jabiyay iyo xubno ka kala socday ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kudbaddii furitaanka ugu mahad-celiyay dhallinyaradii kulanka kasoo qayb-gashay iyo sida ay uga soo jawaabeen marti-qaadka loo fidiyay, isagoo dhallinyarada xasuusiyay inay yihiin kuwa dalka hoggaamin doona berry, isla markaana looga baahan yahay inay ka tashadaan aayahadooda iyagoo mid ah kana fogaanaya in loo adeegsado qabiil iyo wixii la mid ah.

Sidoo kale, guddoomiyaha naadiga dhallinyarada baarlamaanka, Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) oo isaguna dhankiisa jeediyay furitaanka khudbad ka jeediyay ayaa xusay in kulankan uu yahay mid muhiim ah maadaama looga hadlayo mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo culeyska soo wajaha waxaana uu tilmaamay in dhallinyaradu ay yihiin xoogga dalka loona baahan yahay inay xooggooda ka faa’ideystaan shacabka ugu faa’ideeyaan ujeedka kulankan ay u soo qaban-qaabiyeenna ay tahay in dhallinyarada xaqooda ay helaan.

Furitaanka kaddib ayay dhallinyaradii kala duwaneyd ee kulanka ka qayb-galay soo jeediyeen fikradahooda; waxayna si isku mid ah u ballan-qaadeen inay diyaar u yihiin in dalkooda, dadkooda iyo diintooda ay u adeegaan isla markaana ay hadda isku diyaarinayaan inay dalkooda wax walba u qabtaan waxayna soo jeediyeen in fursad loo siiyo hoggaaminta dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo ka jawaabayay tallooyinka iyo su’aalaha ay dhallinyaradu soo jeediyeen ayaa xusay in fikradaha kala duwan ee dhallinta ay muujinayso sida ay diyaar ugu yihiin inay ka qayb-qaataan hormarka iyo dib u dhiska dalka, su’aalaha ay soo weydiiyeen dhallinta oo u badnaa sida fursado shaqo loogu abuuri karo dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu xusay in baarlamaanka uu ka codsaday ra’iisul wasaaraha cusub in dhallinyarada loo sameeyo wasaarad u gaar ah si xaqooda ay u helaan, baarlamaankuna uu ku daba-geli doono.

Talooyin is dhaafsi iyo ka jawaabid su’aalo dhexmaray dhallinyaradii kulanka kasoo qaybgalay, guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada ayaa waxaa lagu ballamay in kulammadan ay joogto noqdaan, iyadoo qodobbada laga soo saaro uu fulin doono naadiga dhallinyarada baarlamaanka oo ay ku mideysan yihiin xildhibaannada baarlamaanka ee dhallinyarada ah.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya