4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2013
Ururka suxufiyiinta madaxa bannaan ee Jubooyinka (JIJA) oo kulan ay ku yeesheen Kismaayo uga hadlay arimo dhowr ah
Khamiis, December 26, 2013(HOL) :- Ururka suxufiyiinta madaxa bannaan ee Jubooyinka (JIJA) ayaa kulan ay manta ku yeesheen Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo uga hadlay arimo dhowr ah iyo weliba sidii ay u xoojin lahaayeen wadashaqeynta dhexdooda ah.

Kulankan ay manta yeesheen suxufiyiinta ku mideysan ururka JIJA ayay diirada ku saareen sidii ay u xallin lahaayeen kala aragti duwanaan dhawaan soo kala dhexgashay suxufiyiinta taasoo ka danbeeysay kadib markii xubno ka tirsan ururka ay ka biyo diideen qaabka ay u dhacday doorasho dhawaan ay suxufiyiintu ku dooranayeen hogaan cusub.

Dhamaan dadkii ka hadlay madasha ayaa isku raacay in suxufiyiintu ay ku midoobaan ururka JIJA islamarkaana ay ka hortagaan wax walba oo keeni kara khilaaf soo kala dhexgala saxaafadda gobollada Jubooyinka.

Aadan Max’ed Salaad (Kismayo) oo  kamid ahaa xubnihii ka hadlay madasha ayaa ugu horeyn sheegay in loo baahanyahay in saxaafadda gobollada Jubooyinka ay midoowdo, sidoo kalena ay saxafiyiintu xoogga saaraan sidii ay u laba jibaari lahaayeen shaqada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ee ay aqbaaraadka gaarsiiyaan.

Gudoomiyaha cusub ee ururka JIJA Khadar Max’uud Xareed oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in maanta wixii ka danbeeyo la ambaqaadi doono sidii loo hormarin lahaa saxaafadda gobollada Jubooyinka gaar ahaan gobolka J/hoose, wuxuuna xusay in ururka JIJA uu dhawaan qaban doono tababar aqoon kororsi ah oo la siin doono suxufiyiinta ka howlgasha degmada Kismaayo.

Kulankii maanta ay yeesheen suxufiyiinta ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan, iyadoona lagu guuleystay in la xaliyo kala aragti duwanaan u dhexeeysay suxufiyiinta ka howlgasha degmada Kismaayo.

Dhawaan ayay ahayd markii doorasho ka dhacday Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo islamarkaana ay kasoo qeybgaleen madax sare oo ka tirsan maamulka Jubba lagu doortay hogaan cusub oo uu yeeshay ururka suxufiyiinta madaxa bannaan ee Jubooyinka (JIJA).

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.