4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2013
Kooxo hubeysan oo caawa weeraray guri uu daganaa mid kamid ah wasiirada cusub ee maamulka Jubba

Khamiis, December 26, 2013(HOL) :- Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa caawa weerar qorsheysan ku qaaday guri uu daganaa wasiirka macdanta, biyaha iyo bay’ada maamulka Jubba C/nuur Cabdi Aadan, waxaana israsaaseyntani ay socotay qadar daqiiqado ah.

Kooxihii weerarka soo qaaday iyo ilaalada wasiirka ayay dhexmartay israsaaseyn xooggan, waxaana adag in la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka maadaamada ay tahay xilli habeen ah, haseyeeshee warar lagu kalsoonaan karo oo aynu ka halayno goobtauu shilku ka dhacay ayaa sheegaya in ay jiraan laba qof oo rayid ah oo ay dhaawacyo kasoo gaareen weerarka.

Lama garanayo cidda ka danbeeysay weerarka, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo arintan ka hadlay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu qaado masuul ka tirsan wasiirada cusub ee maamulka Jubba tan iyo intii lagu dhawaaqay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.