4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Maanta u ambabaxay Nairobi Halkaasoo uu uga qayb-galayo Shirka looga Hadlayo Arrimaha K/Sudan

Khamiis, December 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa galabta u ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya si uu uga qayb-galo shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan madaxweynayaasha dalalka IGAD kaasoo ay uga hadlayaan arrimaha dalka Koonfurta Suudaan.

Berri oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in madaxweynayaasha IGAD ay Nairobi ku yeeshaan shir ay uga hadlayaan xaalada Koonfurta Suudaan oo dagaallo ay ka socdaan. Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dowladaha IGAD oo dhawaan gaaray magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Suudaan ayaa u soo kuur-galay xaaladda dalkaas, isla markaana soo dhex-dhigay heshiis iyo xabad-joojin kooxaha isku haysta siyaasadda dalkaas.

Wasiiradda arrimaha dibadda ayaa kulan ay lasoo qaateen madaxweynaha dalkaas, Salva Kiir waxuu u caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu heshiis aan shuruud lahayn la galo kooxaha kasoo horjeeda isla markaana Koonfurta Suudaan ay ka dhacdo dib u heshiisiin loo dhan yahay.

Madaxweynaha Somalia ayaa kulammo gaar-gaar ah la yeelan doono madaxweynayaasha dalalka IGAD shirka kaddib, isla markaana wuxuu ka jeedin doonaa shirka khudbad uu diiradda ku saari doono sida ay lagama maarmaanka u tahay in IGAD ay door hoggaamineed ka qaadato xaaladda Koonfurta Suudaan, si looga hortago in colaadahan ay isku bedelaan kuwo sokeeye.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu ugu baaqo madaxda dalalka IGAD in inay booqdaan dalka Koonfurta Suudaan si looga shaqeeyo in dib u heshiisiin lagu xalliyo xiisadaha ka taagan dalkaas.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa kulammada ay yeelanayaan la waxay kala hadli doono xiriirka dalalkaas iyo Soomaaliya isla markaana xoojin doono sida loogu baahan yahay in IGAD ay xoogga saarto in dalka Koonfurta Suudaan uu noqdo dal xasilloon oo nabad ah.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya uu maanta ugu ambabaxay magaalada Nairobi ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo uu dalka uga ambabaxo tan iyo markii uu khilaafka soo dhexgalay isaga iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta xilka wareejiyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya