4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2013
Boqor Axmed Boqor Cabdullaahi oo maanta lagu Caleemo-saaray Degmada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari (SAWIRRO)


Khamiis, December 26, 2013 (HOL) —
Magaalada Boosaaso waxaa maanta ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayey Boqor Axmed Boqor C/laahi Boqor Muuse oo beddelaya aabihiis –AHN- Boqor C/laahi Boqor Muuse oo bishii Juun ee sanadkan geeriyoodey.

Munaasabadda caleema saarka oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey, waxaa kasoo qayb galay isimmo, aqoonyahan, siyaasiyiin, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale oo badan.

Cumar Boqor Muuse oo ay walaalo ahaayeen –AHN- Boqor C/laahi Boqor Muuse ayaa ugu horreyn madasha ka hadlay, wuxuuna sheegay in la tashiyo badan kaddib la isku raacay in xilka boqortooyada loo dhiibo Axmed Boqor C/laahi, iyada oo la raacayo qaabkii dhaxaltooyada ee soo jireenka ahaa.

C/jibaar Boqor Muuse ayaa isna ugu baaqay dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan beelaha ku abtirsada magaca Daaroodku in ay aqbalaan boqornimada Axmed Boqor C/laahi, maadaama uu isagu yahay curadka wiilasha uu boqorku dhalay, islamarkaana sharci ahaan uu isagu xilkaas leeyahay.

Qaar badan oo kamid ah isimmadii iyo waxgaradkii munaasabadda caleema saarka kasoo qayb galay ayaa iyaguna goobta ka hadlay, waxayna dhammaantood sheegeen inay si weyn ula shaqeyn doonaan isimka cusub iyagoo isku raacay inuu yahay qof karti, dulqaad iyo aqoonba leh, kana soo bixi kara xilka culus ee loo dhiibay.



Boqor Axmed Boqor C/laahi Boqor Muuse oo ugu dambeyntii hadalka qaatay, ayaa sheegay in xilka loo dhiibay uu yahay mid culus, kaas oo ay adag tahay inuu si wanaagsan uga soo baxo haddii uusan helin taageerada qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dhaka kale, umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland ayuu Boqorku ka codsaday inay usoo duceeyaan; si Eebe ugu sahlo howsha adag ee dhabarka loo saaray.

Shir maalmo kahor ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa lagu sheegay in beesha boqorku ay isku raacday inuu xilkaas qabto Burhaan Boqor Muuse oo adeer u ah boqorka maanta la caleema saaray ee Boqor Axmed Boqor C/laahi Boqor Muuse.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya