4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2013
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo Maanta si Rasmi ah xilka ugala Wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia (SAWIRRO)


Khamiis, December 26, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah xilka ugula wareegay ra’iisul wasaaraha cusub, C/weli Sh. Axmed Maxamed, iyadoo munaasabadda ay goob-joog ka ahaayeen ra’iisul wasaarihii hore ee xilka wareejinayay, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafladda xil wareejinta ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa dhammaan wasiirradii xukuumaddii hore, iyadoo xafladda uu xiriiriinayay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Ra’iisul wasaaraha xilka wareejinayay, Cabdi Saacid oo ugu horreyn hadal ka jeediya munaasabadda ayaa sheegay in 15 bilood ka hor uu goobtan maanta munaasabaddu ka dhacaysay uu sidan oo kale xilka kagala wareegay C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ahaa ra’iisul wasaarihii Xukuumadii KMG-ka ahayd, xilkuna yahay meerto, uuna maanta ku faraxsan yahay inuu ku wareejiyo, C/weli Sheekh Axmad Maxamed oo ay saaxiibbo dhow ahaayeen muddo 30 sano ah.

Sidoo kale, Saacid ayaa faallo kooban ka bixiyay waxqabadka xukuumadiisa muddadii ay jirtay, isagoo xusay in horumarro badan laga gaaray arrimaha gudaha, arrimaha Dibadda, gaar ahaan sugidda amniga, dhaqaalaha iyo soo celinta xiriirka caalamka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Waxaan kula dar-daarmayaa walaalkay ra’iisul wasaaraha cusub dulqaad iyo wada-shaqeyn dhow oo uu la yeesho hay’addaha dawladda”, ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xilka banneeyay.

Intaasi kaddib, waxaa goobta ka hadlay ra’iisul wasaaraha xilka la wareegay Cabdiweli Sheekh Axmad isagoo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo si dimuqraaddi ah xilka kula kala wareegaysa, wuxuuna ku tilmaamay biseyl siyaasadeed iyo horumar dhinaca siyaasadeed ah oo uu dalku ku tallaabsaday.

Sidoo kale, C/weli Sheekh ayaa u mahad-naqay ra’iisul wasaare hore, Saacid iyo golihiisii wasiirada wuxuuna caddeeyey in howlo badan ay qabteen, inta hartayna ay dhameystiri doonaan isaga iyo xukuumadda uu soo dhisi doono.

“Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa walaalkay Cabdi Saacid oo baryihii u dambe ii fududeeyay inaan la qabsado howlaha xafiiska, iina fududeeyay wixii macluumaad ahaa oo ku aaddan shaqada xafiiska, talooyin wanaagsan oo wax ku ool ahna i siiyay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiwali.

Ra’iisul wasaaraha xilka la wareegay ayaa si kooban uga hadlay muhiimadda xukuumaddiisa hortaalla isagoo xusay inay tahay tan koowaad sugida amniga iyo xasilinta dalka, tan labaad garsoorka iyo cadaaladda, aasaasidda adeegyadii bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada iyo howlo kale oo fara badan.

Dhanka kale, la-taliyaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Warsame oo hormuud u ahaa guddi ka kooban 15 xubnood oo kasoo shaqeeyay xafladda xil wareejinta ah ayaa goobta kusoo bandhigay saddex dukumiinti oo ka tarjumayay dhammaan faylasha xafiiska, mashaariicdii ay xukuumaddu waday, hindise sharciyeedyadii loo gudbiyay baarlamaanka Somalia, tirada shaqaalaha, tirakoobka qalabka iyo boorso weyn oo uu ku jiray kitaabka Qur’aanka Kariimka, buugga dastuurka iyo dukumiintiyo kale, waxaana ugu dambeyntii labada ra’iisul wasaare ay halkaas ku saxiixeen saddexdii bug ee lasoo bandhigay, iyadoo madaxweynaha jamhuuriyadduna uu goob-jooge ka ahaa saxiixa.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda ayaa ammaan iyo mahad-naq u jeediyay Saacid iyo dhammaan golihiisii wasiirrada isagoo ku ammaanay waxqabadkoodii halkii sano ee ay xafiiska joogeen.

“Runtii Soomaaliya ma joogto maanta halkii ay joogtay 15 bilood ka hor. Xukuumaddii hore waxay qabatay wax weyn oo muuqda, qof walbana uu arki karo, waxaana laga sugayaa xukuumadda cusub inay howlo dheeraad ah kusii darto oo ay horay uga sii wado,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo shacabka ka codsaday inay taageero u muujiyaan xukuumadda cusub, si la mid ah sidii ay u taageereen xukuumaddii hore.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya