4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2013
Qarax loo Adeegsaday Miinooyinka Dhulka Lagu Aaso oo Maanta ka dhacay Xaafadda Calanleey ee Magaalada Kismaayo

Khamiis, December 26, 2013 (HOL) — Qarax loo maleynayo inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay xaafadda Calanleey gaar ahaan dalcadda V-afmadow, waxaana qaraxani  lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee ku sugan degmada Kismaayo.

Goobjooge ka gaabsaday in magaciisa la xigto oo ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa HOL u sheegay in qaraxu uu yimid kadib markii kolonyo ciidamada Kenya ay gudbeen wadada, wuxuuna xusay in aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray ciidamadii qaraxa lala beegsaday.

Rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka kadib markii uu qaraxa dhacay ayaa sababtay dhaawac soo gaaray qof rayid ah.

Illaa imika ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo iyo kuwa maamulka Jubba oo faahfaahin ka bixiyay weerarka iyo weliba khasaarooyinka ka dhashay.

Weerarrada caynkan oo kale ee lala beegsanayo ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba ayaa marar badan oo hore ka dhacay degmada Kismaayo, waxaana aalaaba masuuliyiinta maamulka Jubba ay ku eedeeyaan xarakada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya