4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2013
Hay’adda SYPD oo gargaar u qaybisay qoysaska ay saameyeen fatahaadda iyo Colaadaha Gobolka Sh/Dhexe (SAWIRRO)


Khamiis, December 26, 2013 (HOL) — Hay’adda SYPD oo ah hay’ad maxalli ah ayaa  gaarsiisay qoysaskii ay saameynta ku yeesheen fatahaada iyo colaada gobolka Shabeellaha dhexe agab kala duwan Non Food Items [NFIs].

Gargaarkan oo ay si gaar ah uga faa’ideysteen dadka ku barakacay fatahaada wabiga shabeelle iyo dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo ilaa 5.000 oo qoys, waxaana ilaa iyo hadda la gaarsiiyay deeqda 1800 oo qoys.

“Deeqdan ma’aha raashin, hasse ahaatee waa agab kala gadisan oo si weyn uga baahnaayeen dadka barakacayaasha ah, waxaa loogu talagalay in la gaarsiiyo ilaa 5.000 oo qoys, ilaa iyo hadda waxaan u qeybinay oo gargaarkan gaarsiinay 1800 oo qoys walina howsha waa ay soctaa,’’ ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha hay’adda SYPD.

Gargaarkan loo qeybiyay barakacayaasha gobolka Shabeellaha dhexe waxaa iska shaaday  wasaarada arrimaha dibada ee dalka Norway(NMFA), Humanitarian Aid And Civil Protection(ECHO), Norwegian Refugee Council(NRC) iyo SYPD oo deeqda gaarsiisay qoysaskii u bahnaa.

Dadka ku dhaqan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa soo food saaray xaalad nolaleed oo aad u adag kadib markii ay isugu darsameen colaado iyo waliba fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelle, taasoo keentay in ay kumanaan qoysas ah ku soo dhacaan hoy la’aan iyo meel cidllo ah.

Qoysaska sida gaarka ah uga faa’ideystay deeqdan ayaa la oran karaa waxay ahaayeen kuwii ugu sii liitay marka la eego dhinaca nolasha, gaar ahaan kuwa lixaadkoodu dhiman yahay.

"Waan soo dhaweyneynaa deeqdan ay na soo gaarsiiyay hay’adda SYPD, si wanaagsan ayeey u qeybisay, waqti aan u baahneynna waa ay na soo gaartay,’’ ayuu yiri Cali Sheekh Rashiid oo ah guddoomiyaha ururka Idhoolayaasha degmada Jowhar.

Gobollka Shabeellaha dhexe guud ahaan marka la eego waxaa ka socda dadaallo kala duwan oo la doonayo in lagu caawiyo dadkii ay saameynta adag ku yeesheen fatahaadii uu sameeyay wabiga shabeelle iyo dagaal beelleedkii ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya