4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2013
TARSAN: “Wasiirrada Xukuumadda Cusub Waa in ay Dagaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si ay dadka u dhex-galaan”


Khamiis, December 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ugu baaqay wasiirrada cusub ee xukuumadda lasoo dhisayo inay dagaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Tarsan ayaa sheegay in wasiir dega madaxtooyada oo halkaas isku kooban uusan wasiir u noqonayn shacabka, balse uu yahay kaligii wasiir, waxaana ku talinaynaa in wasiirrada cusub ay shacabka la dagaan.

“Wasiirrada cusub waa xukuumadda lasoo dhisayo waxaan maqlay inay 25 wasiir iyo 25 wasdiir ku xigeen iyo lix wasiir u dowle ay yihiin, waxaana ugu baaqayaa inay isku qaybiyaan degmooyinka gobolka Banaadir oo ay dadka ay mas’uulka ka yihiin la dagaan,” ayuu yiri Tarsan.

Sidoo kale, duqa Muqdisho wuxuu sheegay in wasiirrada cusub aysan la mid noqon kuwii ka horreeyay oo ahaa kuwo aan soo dhaafin madaxtooyada oo halkaas uuna iska jooga, wax xiriir ah oo shacabka kala dhexeeyana aysan jirin.

“Waan la socdaa in suuqa la geliyay in degmooyinka Muqdisho qaarkood ay yihiin kuwo aan ammaan ahayn oo la degi karin, ayna saldhigyo ku leeyihiin kuwa dhiigga dadka banneystay ee Al-shabaab, taasna waa been,” ayuu yiri mar kale guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qaybgalay xaflad lagu furayay xarunta degmada Dayniile oo muddo saddex sano ka badan uusan ku shaqeyn guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa shacabka degmadaas ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda degmadooda.

“Muxuu dhulkiina la bannaan yahay… ma adinkaa daris xumo leh mise wax kalaa jirta… maxaa ku dhacay dhulkiina… maxaa loo dhisan la'yahay ama loo iibsan la’yahay… aniga hal sabab ayaan u maleynayaa inay tani ku dhacday, taasoo ah in suuqa la geliyay in degmadiina ay saldhig u tahay kuwa dhiigga dadka banneystay," ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo guddoomiyaha gobolka Banaadir uu wasiir ama xildhibaan ka tisran baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay dagaan degmooyinka gobolka Banaadir si ay shacabka macaamil wanaagsan ula sameystaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya