4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2013
Ururka Qareennada Somaliland oo Xukuumadda & Xeer Dejinta ugu baaqay inay ilaaliyaan Madax-bannaanida Garsoorka

Khamiis, December 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland ee Solla Foosi Sheekh Yoonis Xasan, ayaa sheegay in awooddii Garsoorka kala qaybsadeen xukuumadda iyo xeer dejinta, isla markaana ugu baaqay labadda dhinac inay madax banaanidda garsoorka ilaaliyaan.

Guddoomiye Foosi ayaa sheegay in haddii sharciga la ilaaliyo ay hagaagayso cadaaladda uu helayo shacabku, isla markaana tilmaamay in haddii sharciga lagu tuntana cadaaladda muwaadinku lumayso.

“Hadii sharcigu sareeyo macnaheedu waxa weeye qofkastaaba Cadaalad ayuu halkiisa ku helayaa, Waxaan idin sheegayaa inaanu Garsoorka Somaliland madax-banaanayn oo awoodihiisii kala qaybsadeenXukuumadda iyo Xeer dejintu”ayuu yidhi gudoomiyaha ururka Qareenadda Somaliland Foosi Sheekh Yoonis oo ka hadlayey madax banaani ay heshay waaxda garsoorka.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ waxaan Golaha wakiillada Somaliland ka codsanayaa inay Ansixiyaan Xeerka nidaamka Garsoorka oo Golaha Wakiillada horyaalla, Waxaan Cambaaraynayaa tacadiyada lagula kaco Saxaafada, waxaan leeyahay Saxaafada iyo Garsoorku waa inay Madax-banaani buuxda helaan, haddii kale Ictiraafka aynu raadinayno aynu iska dayno, waayo adduunku labadaas ayuun-buu eegaa”

Guddoomiyaha ururka qareenadda Somaliland Fowsi Sheekh Yoonis oo ka hadlayey khilaafka ka dhexeeya golaha wakiiladdda iyo xukuumadda oo uu tilmaamay inuu yahay khilaaf sharci oo lagu kala bixi karo hab sharci.

“khilaafka Baarlamaanka ka jira waa mid sharci iyo qawaaniin salka ku haya.  Waxa la gaadhay xilligii ay kala adkaanayeen Siyaasada iyo Sharcigu, waxaanu u soo jeedinaynaa in Saraynta Sharciga la taageero”ayuu yidhi gudoomiye Fowsi oo ka hadlayey khilaafka xeer dejinta ka jira.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka ururka Qareenada Somaliland  SOLLA Xasan Cali Xasan, waxaanay cambaareeyeen xadhig lagula kacay gudoomiyaha ururkooda oo laba cisho ka hor xabsiga loo taxaay, inkastoo markii dambe la siidaayey.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii laba cisho ka hor xabsiga loo taxaabay gudoomiyaha ururka Qareenadda Somaliland Foosi Sheekh Yoonis ka dib markii waaran usoo jartay maxkamadda Ciidanka oo sheegtay inuu ka dhego adagay inuu hor yimaado maxkamadda.

Haseyeeshee, xadhiga guddoomiyaha Qareenadda Somaliland Foosi Sheekh Yoonis waxa ka hadlay Taliyaha Booliska, Jen. Cabdullaahi Fadal iimaan, waxaanu sheegay in waaran maxkamadeed lagu xidhay gudoomiyaha, isla markaana markii dambe la siidaayey.

“Waxaa lagu soo xidhay Guddoomiyaha Ururka qareenada Somaliland ee SOLLA Foosi Sheekh Yoonis waaran ay u soo jartay maxkamadda sare ee Ciidamadu, markiibana waanu sii deynay"ayuu yidhi taliyaha Booliska Somaliland Gen:Fadal oo ka hadlayey xadhiga gudoomiyaha SOLLA.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland